Falanqayn: Bolton muxuu Bariga Dhexe ka doonay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Bolton muxuu Bariga Dhexe ka doonay?

La taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee nabad gelyada qaranka, John Bolton, ayaa socdaal ku maraya Bariga Dhexe. Socdaalkiisani waxa uu daba socdaa go’aankii Donald Trump ku gaashay in uu ciidamada Maraykanka ka saarayo Suuriya, talaabadaas oo Turkiguna aad ugu riyaaqay. Hore waxa uu u soo maray Israel, maantana waxa uu tagayaa Turkiga oo uu wada xaajood kula yeelan doono madaxda dalkaas.

Hadaba waa maxay ujeedada socdaalkan Bolton, maxaa se cawaaqib ah ee ka dhalan kara haddii ciidamada Maraykanka ee Kurdiyiinta taageeraa ka baxaan Suuriya? Su’aalahaas waxaan weydiiyey Dr Axmed Sheekh Maxamed oo Axmed Tiir ku magac dheer, kana faallooda siyaasadda dunida Muslinka.