Miyuu dhammaaday Khilaafkii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada?

. Lahaanshaha sawirka VILLA SOMALIA
Image caption Madaxweyne Farmaajo oo Baydhabo kula kulmay qaar kamid ah madaxda maamulada dalka

Iyadoo bilihii la soo dhaafay ay wax badan iska baddaleen siyaasadaha qaar ka mid ah maamul goboleedyadii saldhigga u ahaa khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa la isweydiinayaa halka ay hadda mareyso xaaladda iyo in ismariwaagii uu soo idlaaday.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagaren ayaa soo hadal qaaday xiriirka u dhaxeeya maamulada Soomaaliya iyo dowladda federaalka.

Madaxweyne Farmajo ayaa ka hadlay baahida loo qabo inay wada shaqeeyaan dowlad goboleedyada iyo in la ogaado cidda loo adeegayo.

"Waxaa loo shaqeeyaa shacabka Soomaaliyeed, waxaa dowladda goboleedyada iyo dowladda federaalka ka dhaxeeya waa in shacabka ay aniga i wakiisheen, aniga aan wakiishay dowladda goboleedyada oo howshii la dedejiyay". Ayuu yiri madaxweyne Farmajo.

Farmaajo iyo madaxda qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa ku kulmay Baydhabo, inkastoo shirkaasi ay ka maqnaayeen madaxa Jubaland, ilaa iyo iminka na aan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen.

Madaxdii kullankaasi ka qeyb galay ayaa waxaa kamid ah madaxweyne ku xigeennada maamulada Galmudug iyo Puntland iyo madaxweynayaasha maamulada Koonfur galbeed iyo Hirshabeele.

Kullankaasi ayaa dadka qaar ay aaminsan yihiin in laga dheehan karo in marxalad cusub uu galay xiriika u dhaxeeya maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda federaalka.

Mas'uuliyiinta Maamul goboleedka Jubaland ayaa dabyaaqada sannadkii tegay ka soo horjeestay hadalkii ka soo yeeray guddiga aqalka sare ee loo xil saaray xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kuwaasi oo ku dhawaaqay in la soo afjaray khilaafka.

Tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah maamul goboleedyada:

Image caption Madaxweyne Farmaajo oo la fadhiya Axmed Madoobe

1-in la dedejiyo dhameystirka dastuurka federaalka.

2-in la billaabo dhismaha ciidanka qaranka iyo sugidda amniga.

3-in la dhiso guddiga garsoorka qaranka iyo in dib loo habeeyo waaxda garsoorka.

4-In loo howl-galo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5-In laga heshiiyo hannaanka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha xisbiyada.

6-In la xoojiyo nidaamka federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

7-In la mideeyo qorshaha qaran ee la xiriira wax qeybsiga, mashaariicda iyo dhaqaalaha.

8-In aan la fara galin doorashooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Xal ma loo helay khilaafka?

Xubnaha guddiga aqalka sare ayaa horay u sheegay in wadada loo xaaray kulan ay heshiis ku kala saxiixanayaan labada dhinac, hase ahaatee dad badan ayaa wali u arka in arrintu aysan wali bislaanin, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan maamulka Jubaland uu ka fal celiyay kuna tilmaamay mid aan xal toos ah laga gaarin.

Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo ahaa mid dhowr jeer soo noqnoqday ayaa qaar badan oo kamid ah madaxdii dabada ka riixayay khilaafka waxaa ay noqdeen kuwa looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay deegaanadooda, kuwa la heshiiyay dowladda federaalka iyo kuwa isaga baxay saaxadda siyaasadda.

Kadib markii magaalada Garowe lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, meesha na uu ka baxay Cabdiweli Gaas oo horumuud ka ahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa la isweydiinayaa waxa ay noqon karto xaaladda madaxdii ku haray iskaashiga maamul goboleedyada.

Iskaashiga mamaul goboleedyada oo ay haatan ku hareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa dadka falanqeeya siyaasadda soomaaliya waxay aaminsan yihiin in uu wiiqmay.

Maammul goboleedyada ayaa horey ugu dhawaaqay inay xiriirla u jareen dowladda federaalka ee Soomaaliya dhowr bilood ka hor mar ay ku Shireen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo haatan ku sugan magaalada Dhuusma Mareeb ayaa dhinacyada ka soo horjeeda waxay iyaguna ku sugan yihiin Cadaado, taasi oo laga dheehan karo inta uu la egyahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxda kale ee maamulkaasi, oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenkiisa.

Waxay taasi horseeday khilaaf xoogeystay oo u dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo guddoomiyaha barlamaanka oo dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf.

Image caption Madaxweynaha Jubaland

Madaxweyne Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe)

Dhanka maamulka Jubaland, maalmihii la soo dhaafay deegaano kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka socday abaabul ciidan oo ay doonayaan inay kula wareegaan gobolka Jubbada Dhexe.

Gobolkan oo ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab ayaa muddooyinki dambe ahaa hadal heynta ugu weyn, iyadoo haatan laga yaabo inuu xuddun u noqdo loollanka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland waxay billaabeen inay ciidamo badan ka daad gureeyaan magaalada Kismayo, kuwaasi oo la geeyay degmada Afmadow, si ay howlgal ugu qaadaan Jubbada Dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madobe, ayaa dhawaan guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe oo ay wali maamulaan Al Shabaab u magaacabay Haajir Bile Sugaal, taasi oo muujineysa in maamulka Jubaland ay daneynayaan gacan ku heynta gobolkaasi.

Magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe oo ah magaalo madaxda maamulka Jubaland ayay wararku sheegayaan inay tahay ujeedada ugu weyn ee loo qaadayo howgalka.

Dhanka kale, ciidammada Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii howlgal looga sameyn lahaa gobolka Jubbada Dhexe.

''Waa waajib ciidan oo na saaran, gaar ahaan qeybta 43-aad oo aaggaasi ku beegan in aan sameyno howlgal lagu xoreynayo gobolka Jubbada Dhexe''.Sidaasi waxaa yiri Janaraal Bogmadow oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee miltaeriga Dowladda Federaalka.

Mowduucyada la xiriira