Wiil 9 jir ah oo waalidkiis ka bixinaya kharash aysan awoodin iyagoo dowladda u shaqeeya

Tiger wuxuu farshaxankiisa ku iibiyaa online-ka
Image caption Tiger wuxuu farshaxankiisa ku iibiyaa online-ka

Tiger Blaylock hooyadiis iyo aabihiisba waxay ka mid yihiin kumannaanka qof ee ay saameynta shaqaale ku yeelatay hakadka ku jira howlaha dowladda Mareykanka, balse isaga ayaa go'aan ku gaaray inuu iib geeyo farshaxan uu gacantiisa ku sameeyay.

Waa 9 sano jir wuxuuna u istaagay inuu qoyskiisa ka badbaadiyo xasaradda dhaqaale la'aanta.

Wiilkan yar hooyadiis waxay dhaqaale ka heli jirtay qandaraasyo ay dowladda dhexe u fulin jirtay, aabihiisna isla hay'adaha dowladda ayuu shaqo ahaan ugu tiirsanaa, laakiin hadda waxba faro kuma hayaan oo waxaa soo food saartay shaqo la'aan.

Isagoo xirfaddiisa u gaarka ah adeegsanaya, wuxuu helaa kharash ka badan midka ay waalidiintiisa kasoo shaqeyn jireen howlaha dowladda.

Image caption Farshaxanka waa howsha uu ugu jecelyahay

"Hakadka howlaha dowladda wuxuu noqday mid aad u qallafsan, marka waxaan iibinayay farshaxankeyga waxaana isku dayayay intii karaankeyga ah inaan caawinaad sameeyo", ayuu yiri Tiger Blaylock.

Hadda wuxuu heystaa dhowr boqol oo dollar oo uu ka helay sawirrada uu farshaxankiisa ku xardhay, isla markaana uu ku iibiyay dhinaca internetka.

Shirkad ku taalla waddanka Ingiriiska ayaa dooneysa xuquuq ay qandaraas ugu qaadato sidii ay heer u gaarsiin lahayd farshaxanka wiilkan yar.

Tiger Aad buu ugu faraxsan yahay farshaxanka waana howsha uu ugu jecelyahay inuu sameeyo.