Muxuu ku saabsan yahay barnaamijka Shaqo Qaran ee Somaliland?

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goob joog ka ahaa munaasibadda
Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goob joog ka ahaa munaasibadda

Waxa maanta Dararweyne tababar uga bilowday dhalinyaradii loo qaatay barnaamijka Shaqo Qaran.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kala qayb galay munaasibad loogu sameeyay bilowga tababarka ay ku qaadan doonaan xerada ciidanka ee Dararweyne.

Dhallinyaradani waa ardeydii jaamacadaha ka baxdey. Badankoodu muddo dheer ayay bilaacamal ahaayeen. Imika waxa ay fursad ka heleen Barnaamij ay bilowday xukuumadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland. Barnaamijkaas oo wejiyo kala geddisan leh, muddana xukuumadda Somaliland soo waddey.

Qoraalka sawirka,

Tababarka dhallinyarada ayaa billowday maanta

Maanta waxa u bilaabmay tababar ciidan oo ay dhowr bilood qaadan doonnaan.

Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran Maxamed Xuseen (Mu'addinka) ayaa BBC-da u sheegay in marka ay tababarka dhamaystaan dhalinyaradan la shaqaalaysiin doono dhamaantood.

Waxaase uu xusay in dhallinyaradan ciddii dalbata in ay waxbarasho heersare ah u diridoonto xukuumaddu. Sidoo kale wuxuu sheegay inay sadexda bilood hore baranayaan muwaaddinnimada iyo anshaxa, intaa kaddib waxay gelayaan sagaal bilood oo kale oo ah Shaqo Qaran. Taas oo ay laamaha dawladda iyo ciidamada ku kala biiri doonaan. Markay sannadkaa dhammeeyaan ayaa ay shaqaale rasmiya noqon doonaan, kuwooda raba inay saraakiil noqdaanna laga dhigi doonaa.

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay tababarka

Tababarkan ayaa maanta uga bilaabmay xarunta ciidamada lagu tabobaro oo kutaala Dererweyne oo Hargeysa ka xigta waqooyi/bari.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibada bilowga tababarka ka hadlay ayaa sheegay in carbin iyo dhaqancelin loo samayndoono dhalinyarada, waxaanu xusay in maantaba dhamaantood dhoorkii ama fooddii timaha ee dheerayd laga jaray timohoodiina la isku simay, si ay ugu diyaarsamaan hawsha sugaysa.

Shan boqol oo gabdhood oo barnaamijkan Shaqo-qaran loo qaatay ayaan iyagu mari doonin tababarkan ciidannimo. Waxa gabdhaas iyaga la siinayaa duruus la xidhiidha xirafaha shaqo jaamacadaha dalka.

Qoraalka sawirka,

Dhallinyaradan ayaa ah ardaydii jaamacadaha ka baxday