Afghanistaan: Weerarada Daalibaan oo welwel laga muujiyay

Sawir hore: Dadka ku dhaawacmay goobta ayaa loo gurmaday Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir hore: Dadka ku dhaawacmay goobta ayaa loo gurmaday

Saraakiisah dalka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan qof oo ka tirsanaa laamaha amaanka lagu dilay weeraro kooxda Daliban ay ku qaadeen gobolka koonfureed ee Helmand ee dalkaasi.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ka mid ah weerarada culus ee kooxdu maalmihii lasoo dhaafay fulineysay.

Ururka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa gacanta ku haya inta badan tuulooyinka ku yaala gobolka koonfureed ee Helmand.

Weerarka ayay kooxdu ku qaaday saldhiga milatari ee Sangin halkaasi oo ay Daliban ay gacanta ku heyso tuulooyinka dhaca bartamaha gobolka.

“Horumar muhiim ah” oo laga gaaray wadahadallada Taalibaan iyo Mareykanka

Afganistan oo ku eedeysay Pakistan inay gacansiiso maleeshiyaadka Daliban

Weerarkaan ayaa kusoo beegamaya maalin kaddib markii weeraro isxigxigay oo loo adeegsaday bambooyin lagu qaaday caasimada gobolka Helmand.

Dhanka kale magaalada Kunduz ee gobolka waqooyi ayaa saraakiisha xukuumadda Afghanistan waxa ay sheegayeeen in ku dhawaad 60 dagaalyahannada Daalibaan ah ay ku dileen duqeymo cirka ah.

Duqeymahaasi ayaa waxaa ku dhintay qoys ka koobna 14 qof oo ay jireen sagaal caruur ah kuwaasi oo halkaasi ku dhintay.

Malala Yousafzai oo dib ugu laabatay tuuladii ay ku dhalatay ee lagu dhaawacay

Trump oo ku baaqay in tillaabo adag laga qaado Taliban

Ururka Daalibaan oo haaatan wadahadalo nabadeed la leh Mareykanka, ayaanan si rasmi ah u shaacinin weerada ay sanadkan qaadayaan balse weeraradan haatan ayaa u muuqanaya kuwa la mid ah kuwii ururuku fulin jiray.

Daalibaan ayaa ilaa iyo haatan diidan inay wadahadallo toos ah la gasho saraakiisha Afghanistan, kuwaas oo ay u aragto inay yihiin dabadhilif.

Waxa ay sheegeen in wadahadal ay dowladda la bilaabi karaan oo kaliya markii waqti loo qabto oo la isku raaco taariikhda ka bixitaanka ciidammada Mareykanka ee Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira