Abwaan ammaanta gabdhaha u adeegsada waxyaabo ay ka mid yihiin magacyada gawaarida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaan ammaanta gabdhaha u adeegsada waxyaabo ay ka mid yihiin magacyada gawaarida

Abwaanada ayaa marka ay hees ku ammaanayaan gabadh ama jacaylka haya waxa ay ku cabiraan waxyaabo laga helo dhaqankeena iyo deegaankeena quruxda badan ,sida roobka, jeegaanta, ama qaansa-roobaadka, dhirta, ubaxa, fardaha iyo wixii la mid ah.

Ashyaadaasi ayaana badankoodu waxay qiimo wayn u lahaayeen sidoo kalena laf-dhabar ay u ahaayeen nolosha dadkeena gaar ahaan xiliyadii hore.

Balse si ka duwan taasi, ayaa abwaan Axmed Cismaan Batuun oo jacaylka aad uga maansooda, waxa uu suugaantiisa uu ku amaanno haweenka u adeegsanayaa waxyaabaha haatan ay la jaan-qaadi karaan.

Waxyaabaha uu ku amaanay ayaana waxaa ka mid ah aalada internetka, qalabka tiknoolajiyadda, noocyada gawaarida, lacagta iyo waxyaabo kale.

Abwaan Axmed Cismaan Batuun, ayaa u waramay weriyaha BBCda ee magaalada Hargeysa Sidiiq Maxamed Burmad, oo marka hore waydiiyay sida ay ugu dhalatay in uu qaabkan usoo bandhigo suugaantiisa maajijilada ah.