Soomaalida saameynta leh ee wax kusoo bartay dalka Suudaan

. Lahaanshaha sawirka Sheekh Shariif
Image caption Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Waddanka Suudaan, oo uu ka dhacay isbaddal siyaasadeed oo xoog leh, ayaa ka mid ah dalalka ay sida aadka ah isugu dhowyihiin Soomaaliya, waxaana wax kusoo bartay arday Soomaaliyeed oo faro badan, kuwaasoo qaarkood ay hadda mug weyn ku leeyihiin siyaasadda iyo diblomaasiyadda dalka Soomaaliya.

Maalin ka hor waxaa xilka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer soo maamulayay dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, ka dib markii ay xoogeysteen mudaharaadyo looga soo horjeeday xukunkiisa.

Milateriga Sudan ayaa sheegay inay baabi'iyeen maamulkii Al-Bashir oo Soomaali badan ay ku xusuustaan sida Soomaaliya uu uga caawiyay tababarka dhanka ciidammada booliska iyo deeqaha waxbarasha oo uu siiyay arday badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa jira arday Soomaaliyeed oo hadda ku sugan Suudaan, kuwaasoo wax ka barta jaamacado kala duwan.

Hase ahaatee, kuwii horay waxbarashadooda heerarka kala duwan uga soo dhammeystay dalkaas ayaa hadda ku lug leh dhaqdhaqaaqyada waxbarashada iyo siyaasadda ee gudaha Soomaaliya.

Kuwooda ugu soomaynta badan waxaa ka mid ah siyaasiyiinta xilalka kala duwan soo qabtay iyo ku hadda ku howlan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Dadka Suudaan wax kusoo bartay ee saameynta kuleh siyaasadda Soomaaliya waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo la sheegay in sannadkii 1993-kii uu wax ka bartay dalkaasi, inkastoo dad ay xiligaasi wax isla baranayeen ay shegeen in uu markii dambe ka soo tagay.

Shariif waxa uu ka mid ahaa musharaxiintii ugu cadcaddaa ee ka qeyb galay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya.

Ka hor intii uusan sannadkii 2009-kii madaxweyne ka noqonin dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, wuxuu soo noqday guddoomiyihii maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya.

Lahaanshaha sawirka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Image caption Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa sidoo kale kamid ah dadkii fursadda u helay inay wax kusoo bartaan dalka Suudaan, ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu halkaas tagay sannadkii 1993-kii, waxaana ay isku lood ahaayeen Sheekh Shariif oo markii dambe waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka Liibiya.

Cabdiraxmaan waxa uu dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, wuxuuna ka mid ahaa musharraxiintii doorashada madaxweynaha ee saameynta lahaa.

Xisbigiisa Wadajir ayaa hadda ka mid ah garabyada mucaaradka ee dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Macallin Fiqi

Lahaanshaha sawirka Axmed Fiqi
Image caption Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, waa shakhsi si weyn looga yaqaanno gudaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ka tirsan yahay guddiga difaaca ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wuxuu dalka Suudaan wax ka baranayay intii u dhaxeysay sannadihii 1992-kii ilaa 1998-kii.

Fiqi wuxuu sidoo kale Soomaaliya kasoo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda.

Lahaanshaha sawirka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa
Image caption Xildhibaan katirsan golaha shacabka

Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa

Siyaasiyiinta la yaqaanno ee Suudaan wax kusoo bartay waxaa kale oo ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa, oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Odowaa waxa uu xilka wasiirka arrimaha gudaha kasoo qabtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamedd.

Sannadkii 1992-kii ayuu Cabdiraxmaan wax barashadiisa jaamacadeed kusoo qaatay dalka Suudaan, ka hor innta uusan Soomaaliya dib ugu soo laabanin.

Lahaanshaha sawirka Dalxa
Image caption Xildhibaan Dalxa

Maxamed Cumar Dalxa

Fannaanka siyaasiga isku baddalay ee lagu magacaabo Maxamed Cumar Dalxa, ayaa isagana ka mid ah ardaydii kasoo qalin jabisay jaamacadaha ku yaalla waddanka Suudaan.

Dalxa oo wali ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka, ayaa mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka golaha Shacabka, waana siyaasi rug caddaa ah oo si weyn uga dhex muuqda saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira