Haddii ay kugu adag tahay inaad lacag keydsato xal ayaa laguu helay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tijaabadan India laga sameeyey ayaa horseedday in farsamooyin badani soo baxaan
Qof kasta oo ay ku adagtahay inuu lacag dhitaystaa wuxu farsamo ka barankaraa muruq maalka ka shaqaysta miyiga India.
Shaqaalahaa dhismaha ka shaqeeya ee lacagta yar la siiyo ayaa ka qayb qaatay tijaabo la samaynayey.
Marka mushqaayadda la siiyo ayaa lacagta waxa loogu ridaa bushaqad ama laba oo lagu qoray dhitto.
Bushaqadaha qaarkood ayaa dadka la siinayey lagu dhejiyey sawirka caruurtooda.
In ay bushqaddii ay lacagta ku dhitaysanayeen ku noqdaan oo ay wax kala baxaan oo marka ay furayaan sawirrada caruurtooda jarjaraan ayaa qaarkood ku adkaatay, markaas ayey ka waabteen sidaana waxa ku kordhay xaddiga lacagtii ay dhitaysanayeen.
Arintani hammi keli ah ma aha, dalka Ingiriiska ayaa malaayiin qof lacagta soo gasha in ka mid ah dhitaysta oo ku rida xisaab gaar ah si aanay ugu suurto gelin in ay lacagtaa ugu adeegsadaan baahiyahooda maalinlaha ah.
Shirkadaha ka shaqeeya tiknoolajiyadda maaliyadda ee ay ka mid ka tahay Wagestream ayaa shaqaalaha waxay u fududaysaa in ay lacagtooda badhkeed u sii qoondeeyaan inay dhitto u noqoto inta aan mushaharkaba la siin ka hor.
Shirkaddu waxay arintaa uga gol leedahay in ay qofka damiirkiisa ku abuurto inuu dembi dareemo hadii uu wax uu hore ugu qoondeeyey dhitto hadana la baxo.
Xigashada Sawirka, YOLT
.
Marka uu qofku damco inuu telefoonkiisa gacanta furo ee uu doono inuu lacag kala baxo xisaabtiisa dhitada, waxa markiiba shiiqa sawir ah waxyaabaha uu doonayo lacagtaa u ururta inuu siisto hadhow, ha ataato baabuur ama fasax tamashle ah oo uu dalal kale ugu baxee. Marka uu qofku xisaabtaa lacag ku ridona waxa sii weynaada sawirka.
"Waxay aaladdaasi si fudud u xoojinaysaa in xaqiiqada ah in dadku waxay doonayaan ay dhitaysan karaan hadii ay hab dhaqankooda bedelaan" ayuu yidhi Peter Briffett oo ka mid ah aasaaseyaasha shirkadda Wagestream.
Xaqiiqada jirta iyo walaaca ay qabaan dad badani ayaa ah in bulshada Ingiriisku ka tagtay dhaqankii ahaa in ay dadku wax dhitaystaan.
Wax dhigasho la'aantu waxay cawaaqib xumo ku yeelataa nolosha malaayiin qof oo dunida ku dhaqan, gaar ahaan kuwa da'ada yare ee mushaharka yarna qaata.