Maxay ka dhigan tahay madaxdii hore ee Soomaaliya ee weli siyaasadda u hanqaltaagaya?

Madax Lahaanshaha sawirka Himilo Qaran

Waxaa magaalada Muqdisho dhowr maalmood kahor lagu qabtay shirweyne uu lahaa xisbiga Himilo Qaran oo ee hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Shekh Axmed.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Xassan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii isaga xilka uga dambeeyay oo isaguna horay daaha uga rogay xisbi siyaasadeed lagu magacaabo PDP, kaas oo uu madax ka yahay.

Labadan madaxweyne ayaa ku guul dareystay doorashadii madaxweynenimo ee Soomaaliya ka dhacday sanadkii 2017-ka, balse wali u muuqda kuwa leh hami siyaasadeed.

In madaxdii hore ee lagaga guuleystay doorashada ay markale isa soo abaabulaan ayaa loo aaneynayaa in Soomaaliya aysan ka jirin nidaam dastuuri ah oo kala qeexaya inta uu qofka xil heyn karo iyo waxa ay noqoneyso mustaqbalkiisa siyaasadeed, haddii lagaga adkaad doorashada.

"Waxa muhiim ahayd in madaxweynaha xilka ka dego uu fahma ujeedada uu u aaday siyaasadda. Siyaasadda waxaa loo aadaa in loo adeego shacabka, xukun ayaad qabatay madaxweyne ayaad noqotay oo magac iyo maamuus ba waad yeelatay, in aad dib u raadiso marka aad ka degto ama haddii aad tahay madaxwewyne xilka hay aad ku fikirto inaad sii heysato waxay su'aal gelineysaa in qofka uu u jeeday in shacabka uu u adeego iyo in uu rabo in xilka uu iska heysto", sidaas waxaa ku doodaya Ciid Badel oo fallanqeeya siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Sheeikh Shariif iyo Xassan Sheekh oo ah labada madaxweyne ee soo maray siyaasadda Soomaaliya balse wali ku harsan siyaasadda ayaa u muuqda kuwa wali doonaya inay markale qabtaan xilka madaxtinimada, waxaana dowladda hadda jirta ay ku dhaliileen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo xoriyadda, taas oo culeys horleh ku noqon karta dowladda oo markii hore ba uu culeys ka heystay siyaasiyiin Soomaali ah oo ku shiray magaalada Nairobi, kuna eedeeyay arrima dhowr ah.

Lahaanshaha sawirka Himilo Qaran
Image caption Sheekh Shariif ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirweynaha xisbiga Himilo Qaran

Madaxda xilka ka degto oo markale uu damac soo galo ayay dadka qaar aaminsan yihiin inay tahay qeyb kamid ah xasilooni darrida heysata Soomaaliya.

"Qofka marka uu xilka qabto, damac kalena uu ku jiro, intii uu wax qaban lahaa wuxuu ka fikirayaa sidii uu isaga ilaalin lahaa madaxdii isaga ka horeesay oo culeys siyaasadeed ku haya", ayuu raaciyay Ciid badel.

Soomaaliya oo ay adag tahay in madaxweynayaasha la doorto ay ka dhabayeen ballanqaadyada ay sameyaan ayaa dadka wax taxliiliya waxay aaminsan yihiin in arrintaas ay qeyb ka yihiin madaxda xilka kaga horeesay.

"Qofka Soomaaligaa inta badan kuma fikiro in uu ka shaqeeyo siyaasadda oo uu ka mira dhaliyo, mirahaas oo gacan ka siin kara sidii uu usoo noqon lahaa, balse madaxda Soomalaida waxay ka shaqeyaan sidii uu usoo noqon lahaa isagoon siyaasadii ka mira dhalinin", waxaa sidaas BBC-da u sheegay Xassan Sheekh Cali.

Inta badan madaxda dalalka caalamka ee horumaray ayaa ah kuwa ay adagtahay inay dib ugu soo laabtaan saaxadda siyaasadda marka laga guuleysto ama uu dhamaado muddo xileedka dastuuriga, kuwaas oo marka dambe sameysta hay'ado gargaar oo ay ugu adeegaan dadka.

Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, George H. W. Bush oo markii lagaga adkaaday doorashada aana dib ugu soo laaban siyaasadda iyo madaxweyne Barack Obama oo markii uu xilka ka degay isaga baxay siyaasadda.

Inkastoo siyaasiyiinta Soomaalida ee xilalka ka soo qabtay Soomaaliya muddooyinkii dambe oo aanan looga baranin inay siyaasadda ka fariistaan marka mudda xileedkoodu uu dhamaado ama doorashada lagaga guuleysta ayaa haddana waxay dad badan xusuusan karaan Cabdi Qaasim Salaad iyo Cali Mahdi oo aanan dib ugu soo laaban siyaasadda Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira