Dhibaatada Caafimaadka ee ka dhalata caada go'a dumarka

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dhalmadeysnimada ayaa haweenka ku timaada xilliga dhiiga caadada uu ka istaago, taasi oo ka dhigta inaysan uur qaadin dumarka, balse maxay yihiin waxyaabaha ku dhaca jirka dumarka?

Dhalmadeyska waa wax dabiici ah oo ku yimaada da'da qofka waxaa uuna ku dhacaa dumarka inta badan u dhaxeeysa 45 ilaa 55 sano waxaana sidoo kale uu ku iman karaa qalliin la sameeyo oo ugxantaa haweenka bananka losaro.

Waddanka UK haweenka waxay ku dhalma joojiyaan 51 sano.

Maxaa keenaya isbadelka?

Waa wax ku weyn habka wareegga dhiigga iyo korinta ugxaanta bil walba, kuwasi oo dabcinaya jirka, ilma galenka si ay haweeyneyda uur u qaado.

Ugxaanta keydka ku jirta ayaa yaraata mar walba oo ay haweeneyda sii weynaato, taasi oo sababta in uurka uu ka istaago haweeneyda.

Hab dabiici ah ayuu jirka oo idil u joojiyaa sii deynta hormoornka "oestrogen" waana tan mamusha habkan oo dhan.

Tani hal habeen oo qura ma dhacdo waxay qaadan kartaa muddo sanado ah si hormoonadannada ay hoos ugudhacaan.

Maxaa saameyn ah oo ka dhalan kara isbedelka hormoonku leeyahay?

Maskaxda, maqaarka, muruqyada iyo shucuurta ayaa dhammaantood saameeya heerarka hoos u dhaca ee estrogen-ka.

Jirku wuxuu billaabi karaa inuu u dhaqmo si kala duwan, dumarka badanaa waxay dareemaan calaamado muddo dheer ka hor inta aan waqtigooda la gaarin.

Marka wax soo-saarka estrogen-ka uu joogsado guud ahaan, waxaa jira saameyn dhanka lafaha iyo wadnaha ah. Lafaha way daciifaan, saamaynta jabka ayaa ka sii dari karta, haweenkuna waxay u nugul yihiin cudurka wadnaha.

Taasi waa sababta haweenka loo siiyo daaweynta hoormoon beddelidda ama xoojinta, ama HRT, taas oo kor u qaadeysa heerarka estrogen-ka.

Laakiin dhammaan haweenku ma dareemaan astaamo. Waxay sidoo kale ku kala duwan yihiin muddada ay soconayaan - laga bilaabo dhowr bilood illaa dhowr sano.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maxa sababa dhiiga kulul?

Caadi ahaan, jidhku si fiican ayuu u kobcin karaa isbeddelka heerkulka, laakiin marka ay estrogen maqan tahay, heerkulku wuxuu ku dhacaa miisaanka oo maskaxdu waxay u maleyneysaa in jirka uu kulul yahay.

Daaweynta hormoonka waxaa loo arkaa daaweynta ugu waxtarka badan ee calaamadaha dhalma goyska.

Waxaa jira doodo ku saabsan nabadgelyada muddada dheer, waxayna keeni kartaa waxyeelo, laakiin waxaa la muujiyey in "faa'iidada HRT ay ka sii daran tahay khatarta",sida ay sheetgay Dr Currie, oo ku xeel dheer caafimaadka haweenka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Cunidda cuntoyinka isku dheellitiran oo uu ku badanyahay calcium-ka ayaa loo baahanyahay si lafaha qofka ay u adkaadaan.

Waxaa kale oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen Jimicsi joogto ah, si loo yareeyo walwalka, buufiska iyo ilaalinta cudurrada wadnaha.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayey ku tilmaameen Joojinta sigaarka, si looga hor tago cudurka wadnaha iyo boga.

Saameynta waxyaabahaan waxay haweenka ka caawineysaa yareynta cillad ku timaadda jirka.