Guddiga doorashada ee Jubaland ma yahay mid madax-banaan oo dhexdhexaad ah?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddiga doorashada ee Jubaland ma yahay mid madax-banaan oo dhexdhexaad ah?

Qaar kamid ah musharixiinta doorashada madaxtinimada ee Jubaland ayaa sheegay inay qaadaceen doorashada, kadib markii ay saluugeen qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada ee maamulkaas oo ay shegeen in aysan dhexdhexaad ahayn .

Haddaba wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayaa guddoomiyaha guddigaas, Xamse Cabdi Barre waxaa uu ka wareystay dhexdhexaadnimadooda iyo qaabka loo soo xulayo xildhibaanada barlamaanka.