Hide-sidaha ka maqan bani’aadanka ee ka difaaci lahaa wadna xanuunka

Wadna xanuun Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xanuunnnada wadnaha ayaa kamid ah kuwa ay dadka badan u dhintaan

Khubarada sayniska ayaa rumaysan in ku dhawaad saddex milyan oo sano ka hor ay bani'aadankii xilligaa jiray "lumiyeen" hide-side muhiim u ahaa.

Isbedal ku dhacay hannaanka hide-sadahooda ayaa dhaliyay inuu shaqeyn waayo hide-sidaha CMAH, taasoo keentay inuu ka maqnaado jirka jiilashii xigay.

Sida lagu sheegay daraasad cusub oo ay samaysay kulliyada caafimaadka San Diego ee Jaamacadda California, isbedalkaasi ayaa sababay in bani'aadanka maanta uu ku dhaco wadna xanuunka.

Haweenka qaba wadno xanuunka oo aan daryeel la mid ah kan ragga helin

'Waxaa la ii sheegay inaan dhimanayo haddii aan carruur dhalo'

Labaatan milyan oo reer Britain ah oo aan 'firfircoonayn'

Xanuunnada wadnaha ayaa ah kuwa ugu badan ee dila dadka da'doodu ka hooseyso 70 jirkan, sida uu sheegay ururka caafimaadka adduunka (WHO).

Cuduradaasi ayaa sababa saddex meeloodoo meel geerida caalaamka oo dhan, waxaana la saadaalinayaa in tiradaasi ay sanadka 2030 gaari doonto 23 milyan oo dhimasho sanadkiiba.

Waxyaabaha dhaliya wadna xanuunka ayaa waxaa ugu badan xinjiraha fariista xididada dhiigga ee wadnaha, kuwaasoo yareeya dhiigga ay helaan xubnaha muhiimka u ah jirka.

Inkastoo xanuunkan uu ku badan yahay bani'aadanka, ayaa haddana waxaa aan lagu arkin naasleeyda kale, sida daanyeerka chimpanzee-ga loo yaqaan.

Hadaba maxay tahay sababta ay bani'aadanku ugu nugul yihiin wadna xanuunka?

Daraasad hore oo uu sameeyay Ajit Varki oo kamid ah cilmi baarayaasha daraasaddan cusub ayaa loogu ogaaday in xinjiraha xididada dhiigga ee wadnaha aanay ku dhicin xayawaanka kale.

Baaritaan la sameeyay toban sano ka hor ayaa waxaa lagu darsay chimpanzee iyo naasleey kale oo meel xaro ah lagu hayay, si loo ogaado inay ku dhacaan xanuunnada wadnaha ee bani'aadanka haleela (sida kuwa ka dhasha jimicsi la'aanta, cunnada dufanka badan leh iyo dhiig karka).

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wadnaha bani'aadanka

Waxaa la ogaaday inaanay xanuunnadaasi ku dhicin xayawaanka la baaray, wadna xanuunka chimpanzee-gana uu ka dhasho waxyaabo ka duwan kuwa keena kan ku dhaca bani'aadanka.

Khubarada ayaa sidaa ku go'aamiyay in xayawaanka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha marka wax laga bedelo hise-sidahooda sida bani'aadanka oo kale.

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay joornaalka Proceedings of the National Academy of Sciences (PNAS) ayaa Varki iyo kooxdiisa waxa ay u adeegsadeen doolli sida bani'aadanka aan lahayn hide-sidaha CMAH iyo kuwo kale oo leh hide-sidahaasi.

Inkastoo labada xayawaanba la siiyay cunno isku mid ah, laguna hayay xaalad mid ah, ayaa haddana doollliga aan lahayn hide-sidaha CMAH waxaa dhiiggiisa ku batay xeyrta.

"Doolliga aan lahayn hide-sidaha CMAH ayaa waxaa ku batay xinjiraha dhiigga, iyadoo aanu kordhin miisaanka jirkiisa ama dheecaankiisa," ayaa lagu sheegay daraasadda. "Xogta la helay ayaa muujinaysa in la'aanta hide-sidaha CMAH ee jirka bani'aadanka ay sabab u tahay xinjiraha dhaliya xanuunnada wadnaha."

Khatarta la xiriirka hilibka cas

Khubarada ayaa tilmaamay in dhowr arimood ay sare u qaadaan khatarta xanuunnada wadnaha ku dhaca ee bani'aadanka.

Waxaa kamid ah jimicsi la'aanta, kolostarolka sareeya, da'da, xanuunka macaanka, cayilka xad dhaafka ah, dhuuqidda sigaarka iyo cunista hilibka cas.

Hide-sidaha CMAH ayaa sii daaya maado la yiraahdo Neu5Gc taasoo uu jirka bani'aadanka isticmaalo marka la cuno hibilka cas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hilibka cas ayaa kordhiya khatarta cuduro ay kamid yihiin kansarka iyo wadna xanuunka

Maadaama aanu bani'aadanka maanta lahayn hide-sidahaasi, waxaa meesha ka baxay maadada Neu5Gc, waxaana jirka bani'aadanka uu ula tacaala sida maado qalaad.

Sidaa awgeed, marka aan cunno hilibka cas ee u baahan maadada Neu5Gc, jirkeena waxa uu sii daayaa dheecaanno uu kula dagaallamayo hilibkaasi, waxaana ka dhasha dhaawac loo yaqaan xenosialitis.

Khubarada ayaa sheegay in dhaawacaasi uu kordhiyo khatarka uu bani'aadanka ugu jiro cudurada kansarka iyo kuwa ku dhaca wadnaha.

Varki ayaa rumaysan in xogta cusub ee ay soo bandhigeen ay sahli doonto in la raadiyo qaabab kale oo lagu daweyn karo xanuunnada ku dhaca wadnaha bani'aadanka.