Dhirta Afrika qaarkeed oo dabar go'aysa

Buuraleyda Kenya iyo Tanzania waxa ku yaal dhirta dabar go'aysa qaarkeed. Lahaanshaha sawirka THOMAS L.P. COUVREUR (IRD)
Image caption Buuraleyda Kenya iyo Tanzania waxa ku yaal dhirta dabar go'aysa qaarkeed.

Daraasad cusub ayaa sheegtay in dhirta kulaylaha Afrika ay dabr go' qarka u saarantahay.

Dalalka galbeedka Afrika badankooda, Itoobiya iyo qayb ka mid ah Tanzania iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa ah gobollada dhibaatada ugu ba'ani ku habsatay, waxaana dabar go'ay in ka badan 40% dhirtii ay hodanka ku ahaayeen.

Noocyada dabar go'a halista u ah waxa ka mid ah jirda waynta, geed gaabka, tigaadda iyo yacayga.

Sida ay sayinisyahannadu sheegeen, halista ay arintaasi keeni karto waxa ka mid ah xaaluf, tirada dadka oo korodha iyo isbedelka cimilada.

"Kala duwanaanshaha noolaha deegaanku waxa uu faa'iido aan la koobi karin u leeyahay aadanaha, hadii la waayo na waxa halis gelaya mustaqbalka", ayuu yidhi Dr Thomas Couvreur oo aha madaxa waaxda cilmi baadhista ee mac-hadka Faransiiska ee horumarinta raandhiiska leh.

Lahaanshaha sawirka THOMAS COUVREUR
Image caption Dhirta dabar go'aysa waxa ka mid ah nooca geedkan ku yaal Tanzania

Kala duwanaanshahaas hadii la waayo weliba gaar ahaan kulaylaha Afrika "oo ah gobol hodan ku ah arintaasi sida oo kalena ay ka taaganyihiin dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo bulsho ayaa la filayaa in ay taranta dadkiisu aad u korodho tobanaanka sano ee soo socda" ayuu intaa ku daray.

Daraasaddan oo lagu baahiyey majallada Science Advances ayaa lagu saleeyey dib u eegis lagu hayey qiimaynta halista dabar go'a dhirta.

Cilmi baadheyaashu waxay qiimeeyeen daraasadihii hore ee laga sameeyey dhirta dabar go'aysa ee uu baahiyey ururka daryeelka dabeecadda ee magaciisa loo soo gaabiyo IUCN.

Nooc ka mid ah xoolaha ay Soomaalida dhaqato oo u adkeysta isbedelka cimilada adduunka

Ilaa haatan qiyaastii sagaal ka mid ah naasleyda iyo laba meeloodow meel shimbiraha ayaa la darsay, laakiin wax ka yar 8% dhirta ubaxa bixisa oo aanay ku jirin ta biyaha ka dhex baxdaa ayaa la darsay.

Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption .

Cilmi baadheyaashu waxay adeegsadeen hab la mid ah taa hore laakiin ka dhakhso badan oo lagu qiimaynayay halista ay qarka u saaranyihiin 20,000 oo nooc oo dhir ahi.

Waxay ogaadeen in 33% noocyadaas ay halista ugu jira dabar go'a iyo saddex meeloodow meel kuwa kale oo tiro yar in ay halistu soo food saari doonto mustaqabalka dhaw.

Arintan sababta ugu weyn ee loo aanaynayaa waxa weeyi falalka aadanaha sida xaalufinta, dhul beereed bedbedelka, korodhka dadka, koboca dhaqaalaha iyo isbedelka cimilada, ayay yidhaahdeen cilmi baadheyaashu.

Mowduucyada la xiriira