Soomaalia: Muxuu noqonayaa mustaqbalka waddankeyga?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Muxuu noqonayaa mustaqbalka waddankeyga?

Jamaal Cismaan, wuxuu u soo joogay xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu u maleynayay in Kismaayo, oo ah magaalo ka tirsan maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya, ay ahayd meesha ay ka billaaban lahayd xasiloonida Soomaaliya, colaaddana ay ka sii dhammaaneysay.

Laakiin weerar argagax leh oo al-Shabaab ay ka fuliyeen hoteelka Madiina ee ku yaalla magaaladaas, bishii July 2019, kaasoo lagu dilay 26 ruux, 56 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana nabarro ay soo gaareen rajadii yarayd ee ahayd in amni raaga uu ka dhasho gobolka.

Qeyb ka mid ah safarka Jamaal uu ku tagay Jubbaland, wuxuu kula kulmay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin dagaallameyaasha al-Shabaab oo xabsi ku jiray iyo sidoo kale unug ka tirsan ciidamada Jubbaland oo laga abuuray xubno horay u ahaan jiray al-Shabaab, oo hadda taageeraya dowladda.

Mowduucyada la xiriira