Gudiga Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la furaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudiga Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la furaan

Guddiga Qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay wadahadal la furaan Somaliland.

Arrintan ayaa timid kaddib todobaadyo ay wadatashi kula jireen bulshada rayidka iyo madaxda kala gadisan ee dalka Soomaaliya.

Hasayeeshee xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhawaanahan sarreysay, xilli Somaliland ay sheegtay in ay isaga baxday wadahadalladii ay kula jirtay Soomaaliya iyadoo ka cabanaysa guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Haddaba maalmahan waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay wadatashiyo uu guddiga federaalku la lahaa bulshada halkaasi, umuurtaas oo aannu ka warraysannay Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali, oo ka mid ah guddigaas, khadka taleefanka ayuuna ugu warramay weriyahayaga Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

Mowduucyada la xiriira