Muqtadaa Al-Sadr: Wadaadka keniga adag ee reer Ciraaq

Muqtadaa Al-Sadr mudaharaadada dawlada lagaga soo horjeedo dhan buu raacay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muqtadaa Al-Sadr mudaharaadada dawlada lagaga soo horjeedo dhan buu raacay

Markii Maraykanku qaaday duulaankii ay ku rideen Saddaam Xuseen 2003-dii, Ciraaq waxa ka bilaabmay fawdo dhiig ku daatay oo ilaa maantadan socoda. Dunida dad aad u tiro yar ayaa yaqaanay wadaadka da'da yar ee aan aqoonta badan lahayn ee Shiicada ah ee la yidhaa Muqtada Al-Sadr.

Ku dhawaad 17 sano oo dhibaato taagnayd ka dib na, malaha waa qofka ugu caansan Ciraaq run ahaantiina ugu awoodda badan, waxaana isla markiiba lagu garan karaa wajigiisa cadhadu ka muuqato iyo dareenkiisa aan la fahmi karin.

Maro ku dheg, hadallo kulul eraydaa iyo qaar kale ayaa lagu tilmaami karaan ninkan oo falalkiisa iyo mawqifyadiisuba ay mararka qaar dadka ka yaabiyaan oo is buriyaan.

Hadana tilmaamahaasi waa kuwa u suurto geliyey in si la yaab leh uga soo dabaasho sannado dhibaato badan oo ay taageerayaashiisa iyo xulufadooda oo kala ah ciidanka Ciraaq, kooxdii xagjirka Sunni ga ahayd ee la baxday Dawladda Islaamka iyo Shiico kaleba ay dagaalka kula jireen Maraykanka.

Haatan isbahaysigiisa siyaasadeed oo la yidhaa Saa'iruun ayaa doorashadii guud ee 2018 guul wayn ka soo hooyey waaxnu Muqtadaa Al-Sadr yeeshay miisaan culus oo aanay suurto gal ahayn isaga la'aantii in dawlad wadaaga la dhisi karo.

Door dhaxal tooyo ah

Markii maraykanku galay Ciraaq aad looma aqoon laakiin mudo gaaban ka dib waxa uu markiiba noqday nin la wada garanayo.

Isla markii Saddaam Xuseen awoodiisii diciiftay ayuu hawl geliyey shabakadiihii dadkii daacadda u ahaa aabihii oo sheekh la jecelyahay ahaa Ayatullaahi Al-Cudmaa Maxamed Saadiq Al-Sadr waxaanu ka dhex abaabulay xaafadihii Shiicada la gacan bidixeeyey ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee koonfurta Ciraaq.

Aabihii iyo soddogii Aayatullaahi Al-Cudmaa Maxamed Baaqir Al-Sadr labadooduba waxay ahaayeen shakhsiyaad diineed oo aad loo ixtiraamo waxaanay xaafadaha Shiicada saboolka ahi degaan ay ka bilaabeen shabakado adeega bulshada u fidiya, hase yeeshee Saddaam Xuseen ayey arintaasi aad uga cadhaysiisay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muqtadaa Al-Sadar wuxu ku soo shaac baxay duulaankii Maraykanka ee Ciraaq

Labadaa nin ee magaca lahaaba si xun baa loo dilay. Maxamed Baaqir waxa dawladdu isaga iyo walaashii Aamina dishay 1980, Maxamed Saadiq iyo laba wiil oo uu dhalay oo Muqtadaa ay walaalo ahaayeen waxa rasaas ku jarjaray 1999 dabley la rumaysanyahay in Saddaam Xuseen u diray.

Markaa fikirka ah naf hurnimada, shahiidnimada iyo masaakiin caawintu waa wax uu dhaxlay, Muqtadaa oo markii Maraykanku Ciraaq galay ahaa 30 jir.

Had iyo goor waxa sawirkiis lagu ag sawiraa sawirrada labadaa caalim oo saddexdooduba cimaamadda madow madaxa ku sita, taas oo ah astaan muujinaysa in ay yihiin Aala Bayt ku abtirsada ehelkii Nabi Muxamed.

Cadow Maraykan

Wax yar uun ka dib markii ciidamadii Maryakanka iyo xulufadoodu qabsadeen dalka ayaa Muqtadaa Al-Sadur codkiisii dheeraa ku caan noqday oo ku baaqay in dalka laga saaro.

Hadalkiisii waxa ku xigay fal oo wuxu abaabulay taageereyaashiisi waxaanu sameeyey ciidanka Mahdi l ayidhaa oo halistii ugu weynayd ku noqday Maraykankii Ciraaq joogay.

Laga soo bilaabo 2004 ciidanka Mahdi waxay had iyo goor dagaalami jireen xulufadii Maraykanku hogaaminayay waxaanay lagu eedeeyey mar mar badna in ay miinooyin meel walba u dhigeen oo weerarro ku hayeen ciidankaas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qaar ka mid ah ciidanka Mahdi ee Al-Sadr

Muqtadaa Al-Sadr waxa uu sidoo kale hogaamiyeyaashaa Ciraaq ku eedayn jiray in ay Maraykanka gacan siinayaan.

Sidoo kale taageerayaashiisu waxay si aad ah ugu jireen dagaalkii Shiicada iyo Sunnigu isku gumaadeen. Sannadkii 2008 ayaa ciidamadiisu waxay dagaal qadhaadh kula safteen ciidamada Ciraaq oo ra'isal wasaarihii waagaas ee Nuuri Al-Maaliki amray in ay qabsadaan magaalada Basra.

Wuxu dhaliilaa Iran

Go'aannadiisu had iyo goor dadka fajac bay ku noqdaan, weliba marka la eego xidhiidha dalku la leeyahay quwadaha shisheeye.

In kasta oo uu had iyo goor aad uga soo horjeeday farogelinta Maraykanka ee Ciraaq, waxa uu sidoo kale aad ugu dhaliilaa Iran faragelinta Suuriya.

Sannadkii 2017 ayuu xataa mar booqasho ku tagay Sucuudiga oo ah dalka ay Iran loolanka ugu adagi ku dhex marayo gobolka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaashiisu aad bay u jecelyihiin Muqtadaa Al-Sadr

Hadda muddo ka hor intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2011 wuxu magangelyo ku joogay Iran oo uu wax ku baranayey Qum si uu u kobciyo aqoontiisa diineed.

Laakiin Partrick Cockburn oo ah ninka qoray taariikh nololeedka Muqtada Sadar wuxu qabaa in arimahaasi aanay ahay wax is burinaya.

''Isaga iyo aabihiiba waxay si aan is bedel lahayn qabeen aragti wadaniyad iyo diin isku dhafan ah marka laga hadlayo siyaasadda Ciraaq ee quwadaha badan ee dibadda iyo guduhuba ku loolamaan. Taas macnaheedu waxa weeyi in aanu jirin cadow yo saaxiib joogto ahi.'' Ayuu yidhi Patrick Cockburn.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan