Burkina Faso: Ciiddii Kirismas-ka iyo qoys Muslimiin iyo Masiixiyiin isugu jira

Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
Afoussatou, Denis iyo inantooda Iris
Dalka Burkina Faso oo aqlabiyada dadkiisu Muslimiin yahay ayaa waxa sannadihii u dambeeyey waxa ka dhacayey weerarro ay qaadayeen mitidiin Islaamiyiin ahi. Maalintii ka horraysay ciidda Kirismas-ka waxa weerar la tuhunsanyahay in ay qaadeen kooxo jihaad aloos ahi lagu dilay in ka badan 30 qof oo badankoodu haween yihiin.
Hase yeeshee, wararkaa naxdinta leh waxa barbar yaalla xaqiiqo isa sudhan. Dalku wuxu leeyahay taariikh dheer oo wada noolaanshaha diimaha ah, wax lala yaabona kama aha in la arko qoys keliya oo ka kooban Muslimiin iyo Masiixiyiin labadaba. Masiixiyiintu waxay bulshada dalkaas ka yihiin 23 %.
Inantan yar ee shan jirka ah ee la yidhaa Iris Osnia Ouattara waxa waalidkeed ku ababinayaan dhaqanka Kaatoligga ee diinta aabahed Denis Ouattara haysto iyo dhaqanka Muslinka ee diinta Islaamka ee hooyadeed Afoussatou Sanou haysato.
Kirismas-ka way ciidaysaa sidoo kale waxay ciiddaa iidaha Muslinka.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
Gurigooda oo ku yaal Ouagadougou sawirrada sudhan waxa ka mid ah mid ay si gaar ah u qiimeeyaan oo ah Iris oo sawir kula jirta nin xidhan labiska Father Chrismas, iyada oo yar.
Sawirka waxa la qaaday 2015 oo waxa lagu sawiray xaflad loo qabtay shaqaalaha warshada sibidhka oo aabaheed Denis ka shaqeeyo.
Sida aabaheed u baro dhaqanka Masiixiyadda ayaa Iris hooyadeed Afoussatou iyadna u bartaa dhaqanka Muslinka.
"Masaajidka ayay ii raacdaa, Axaddana isaga ayay u raacdaa Kaniisadda" ayay tidhi Afoussatou.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
Afoussatou maalin kasta guriga ayey ku tukataa shanta salaadood, laakiin Jimcaha waxay Iris u kaxaysaa masaajidka.
Inanteedu sideeda oo kale ayay aroorta hore u toostaa oo ay salaadda subax ula tukataa.
"Islaamku waa diin dulqaadka dadka barta iyo in aad aqbasho qofka kaa aragtida duwan" ayay tidhi.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
Buugaag diinta Islaamka ah oo si kooban sawirro iyo erayo fudud u dhigaya ayey Iris ka barataa sida loo weyseyto ee loo tukado.
Waxa kale oo guriga u yaal buugaag iyagana si fudud loo qoray oo ay ka baran karto diinta Masiixiyadda.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
Denis iyo Afoussatou waxay isku barteen tuulada Toussiana oo 55 km u jirta caasimadda labaad ee dalka Burkina Faso ee Bobo Dioulasso, tan iyo waagaana way wada joogeen.
Waxay ku talo jiraan in ay sannadka dambe is guursadaan oo arooskoodu noqdo mid la waafajiyo labooda diimood iyo labada dhaqan ba.
Denis wuxu diyaar u yahay in uu muddo gaaban diinta Islaamka galo, arintaas oo ay qoyskani sheegan in ay tahay wax ay ragga Masiixiyiinta ahi sameeyaan si ay aroos iyo meher diinta Islaamka waafaqsan oo ay ku raali gelinayaan qoyska gabadha u sameeyaan, ka dibna ay diintoodii dib ugu noqdaan.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
"Markii aanu go'aansannay in aan is guursano diidmo ayaanu la kulanay" ayuu yidhi Denis oo aabihii markii hore arinta diidanaa.
"Bilowgii arintu way nagu adkaatay waayo aabahay ma diidanayn ee hooyaday baa aad uga soo hor jeedsatay" ayay tidhi Afoussatou, waxaanay intaa ku dartay "hadii ninku Masiixi yahay gabadhuna Muslimad badanaa waxa guurkaa diida gabadha waalidkeed".
Weli waxa ay doonaysaa in ay hooyadeed ku qanciso in ay ogolaato in ay is guursadaan.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
Qoysas badan oo reer Burkina Faso ah ayaa ka kooban Masiixiyiin iyo Muslimiin iyo sidoo kale kuwa cawaanka ah iyo Muslimiin ama iyo Masiixiyiin. Sidaas oo ay tahay ayaa hadaba inta badan Muslimiinta iyo Masiixiyiintu ay soo dhaweeyaan qofka reer kooda soo gala ee diin aan tooda ahayn haysta.
Dalkan waxa taariikhda u galay in uu tusaale u yahay wada noolaanshaha dadka diimaha kala duwan haysta.
Afoussatou saaxiibo badan oo Masiixiyiin ah bay leedahay, hadan in kasta oo aanay Kaniisadda tagin maalinta Kirismas-ka way la dabaal degaysaa qoyska waalidkeed.
Waxay sheegtay "in ay ciidaha oo dhan: Ramadaanta, Ciidal Adxada iyo Kirismas-kaba" dabaal degto.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGAL
.
Maalinta Kirismas-ka kaniisadda weyn ee Kaatoliga ee la yidhaa Immaculate Conception way buuxsantaa.
Boolis hubaysan aya la dhigay kaniisaddan iyo kaniisadaha kale oo dhan. Mitidiinta Islaamiyiinta ah ayaa weerarradii u dambeeyey la beegsaday Masiixiyiinta iyo Muslimiintaba.
Maalintii Kirismas-ka Denis wuxu Irin u kaxeeyey kaniisadda King Chirst oo ku taal xaafadda Pissy ee caasimadda Ouagadougou, kadiba qoyska oo dhan oo ay ku jirto Afoussatou qudheedu ayaa iskugu wada tagi doona guriga Denis adeerkii.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.
"Diintaydu waxay i bartaa jacaylka iyo in aan aqbalo dadka kale" ayuu yidhi Denis waxaanu intaa ku daray "Ilaahay oo keli ah uun baa ina xisaabinaya"/.
Iris waalidkeed waxay ikhtiyaar u siin doonaan in diinta ay doorato qaadato marka ay weynaato. Laakiin imika kaniisadda iyo masaajidka labada waa la geeyaa.
Denis iyo Afoussatou waxay sheegeen in aanay qoonsan doonin labada diimood kii ay doorato.
"Jacaylkaa diinta ka weyn" ayuu yidhi Denis oo rumaysan in diimaha oo dhami run wada yihiin.
Xigashada Sawirka, CLAIR MACDOUGALL
.