Morooko: YouTuber loo xidhay in uu boqorka caayey

Maxamed Sekkaki Lahaanshaha sawirka YouTube
Image caption Maxamed Sekkaki

Nin aad u caan ah oo YouTuber reer Morooko ah ayaa xabsi afar sanadood ah lagu xukumay iyo ganaax lacageed oo 4000 oo doolar ah, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu caayey boqorka dalkaas.

Maxamed Sekkaki waxa la xidhay bishan horraanteedii ka dib markii uu dhaleeceeyey khudbadaha Boqor Maxamed shacabka reer Morooko na ku sheegay dameero.

Waxa uu sheegay in uu xukunkaa racfaan ka qaadanayo.

Sidoo kale, saxafi xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo la yidhaa Cumar Raadi ayaa isna loo xidhay qoraallo uu Twitter-ka ku baahiyey oo sida la sheegay uu ku aflagaadeedey garsoore bishii Abriil.

Saxafigaasi xabsiga ayaa rumaan ahaan loogu hayn doonaa ilaa bisha Jeeniweri labadeeda, waxaana sidaa xaqiijiyey qareenkiisa.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan in xorriyadii shakhsiga reer Morooko ay haatan qirinqiir ku gashay dalkaas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boqor Maxamed-ka Lixaad

Boqor Maxamed ka lixaad ayaa kacdoonkii Carabta ee sannadkii 2011 ka dib waxa uu awoodihiisa qaarkood uga tanaasulay xukuumadda la doorto, laakiin dadka lafa gura arimaha siyaasadda dalkaasi waxay sheegayaa in uu weli isagu go'aanka kama dambaysta ah ee arimaha waaweyn ee dalka leeyahay.

Sekkai oo sidoo kale loo yaqaan "Moul Kaskita" ayaa waxa xukunka ku ridday maxkamad ku taal magaalada Settat ee galbeedka dalka ku taal.

Tobanaan kun oo qof ayaa muuqalladiisa daawada.

Bishii hore ayaa heesaaga reer Morooko ee Gnawi waxa isna lagu xukumay sannad xadhig ah ka dib markii ay booliska is af dhaafeen laakiin taageerayaashiisu waxay rumaysan yihiin in loo haysto hees uu qaaday oo aad u dhaliilaysay boqortooyada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan