Caabuqa Cusub ee shiinaha ''waa laga hortagi karaa waana la xakameyn karaa''

.

Xigashada Sawirka, AFP

Caabuqa cusub ee lagu arkay dalka Shiinaha islamarkana imika ku sii faafaya meelo ka baxsan Shiinaha ayaa ah "mid laga hortagi karo lana xaakameyn karo ", waxaa sidaasi sheegtay dowladda Shiinaha.

hasa yeeshee Guddiga caafimaadka ee Shiinaha, ayaa ka digay in loo baahan yahya in si dhaw loola socdo cudurkani.

Saraakiisha caafimaadka Shiinaha ayaa waxay intaa ku dareen in aan wali wax badan laga ogeyn qaabka la isugu gudbiyo cudurkan iyo noociisa.

ilaa iyo hadda dad fara badan ayaa u dhintay xanuunkan oo la xiriira dhanka neef mareenka kaasi oo ku sii faafayay magaalada Wuhan ilaa bishii December.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Shiinaha war ka soo saarto cudurkan aan la garanayn,waxayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay sare u qaadi doonaan la socoshada xaaladda gaar ahaan inta lagu guda jiro xuska sanadka cusub ee loo yaqaano Lunar.

Waa maxay caabuqan?

Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.

Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.

Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.

Tirada dadka uu soo ritay fayraska ee dalka Shiinaha ayaa ka badan tan rasmiga ah ee ay saraakiisha dalkaas soo saareen, sida ay saynisyahanno BBC da u sheegeen.

Waxaa jiray 45 kiis oo ay sheybaarradu xaqiijiyeen oo fayraska cusub ah, balse khubarrada UK ayaa ku qiyaasaya in tiradu ay tahay ilaa 1,700 oo kiis.

Sidee ayaa tirada loo xisaabiyay?

Tirada waxaa sii kordhiyay kiisaska kale ee laga helay dalalka kale.

Inkastoo fayrasku uu ka dillaacay magaalada Wuhan, waxaa jiray labo kiis oo kale oo laga helay Thailand iyo mid kale oo laga helay Japan.

Way adag tahay in la helo tirada saxda ah, balse bulshada gudaha iyo xogta duullimaadyada ayaa laga heli karaa fakrad ku saabsan caabuqa.

Garoonka Caalamiga ah ee Wuhan ayaa wuxuu u adeegaa ilaa 19 milyan oo qof, balse keliya 3,400 oo keliya ayaa maalin walba safra.