Madaxweynihii hore ee Ireland: Khalad weyn ayaa iga dhacay markii aan ka hadlay arinta amiirad Ladiifa

Xigashada Sawirka, UNITED ARAB EMIRATES FOREIGN MINISTRY
Ladiifa iyo Mary Robinson
Madaxweynihii hore ee Ireland, Mary Robinson, ayaa sheegtay inuu "khalad weyni" ka dhacay markay ka hadlaysay arinta amiirad Ladiifa Al Maktuum.
Gabadha uu dhalay ninka xukukuma Dubia, oo isku dayday in ay dalka ka baxsato sannadkkii 2018, ayey Mary Robinson hore ugu tilmaantay "inan yar oo dhib badan".
Laakiin bishan horaanteedii, ayaa Robinson oo ahaan jirtay ergayga Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanuhu BBC-da u sheegay in "si xun u marin habaabiyeen" qoyska amiiraddu.
Jimcihii, ayaa Robinson waraysi ay siistay telefishanka Ireland ee RTE, ayaa tidhi "inaan arintaa ka foojignaado ayaa wacnayd".
Sawir muujinaya Mary Robinson, oo mar ka tirsanayd madaxa golaha xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay, oo la fadhiday amiiradda ayaa bishii Diisember ee 2018 aad ugu faafay internet-ka.
Qoyska boqortooyada ee Dubai ayaa ku marti qaaday in ay la kulanto Ladiifa 2018.
Waxay Robinson ku sheegtay waraysigaa ay siisay telefishanka RTE in "wey i damaqdaa marka aan xasuusto ba inaan qalad weyn arintaa ka galay".
"Qalado hore way iga dhaceen laakiin kaas ayaa ahaa kii ugu weynaa. Waxaan rajaynayaa in aanan arintaas oo kale dib u fali doonin. Caadifaddaa I qaaday oo maskaxda kamaan shaqaysiin oo waxaan is lahaa qof aad saaxiibtihiin wax tar, waan gafay". Ayay tidhi.
Ladiifa aabaheed, Sheekh Maxaxmed Bin Raashid Al Maktuum, wuxuu ka mid yahay madaxda dunida kuwa ugu hodan san waana amiirka Dubai sidoo kalena ah madaxweyne ku-xigeenka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ladiifa markii ku fashilantahay in ay dalka ka baxsato, ayaa waxay saaxiibadeed u dirtay fariin muuqaal ah oo ay ku eedaynayso aabaheed inuu "afduub" u hayso oo ay nolosheedana u baqayso.
Muuqaalka ay iska soo duubtay amiirad Ladiifa
Muuqaalkaas oo barnaamijka BBC Panorama helay, ayaa waxay ku sheegtay in ciidamo kumaandoos ahi ay soo qabteen iyada oo dooni ku baxso is leh oo intay ay maandooriye siiyeen geeyeen goobta ay haatan lagu hayo.
Mary Robinson waxay sheegtay in ay la xidhiidhay wasiirka arimaha dibadda ee Ireland, Simon Coveney, oo ay kala hadashay arinta amiiradda.
"Wuxu igu yidhi waxaanu kala hadlaynaa arinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laakiin intaa ka hor waxaan xidhiidh la samaynay danjiraha noo jooga Geneva noo jooga si uu u taageero ergayga noo qaabilsan golaha xuquuqal insaanka" ayay tidhi.
Waxay sheegtay in Ladiifa u baahan tahay taageero siyaasadeed waxaanay intaa ku dartay in "ay haatan 100% rumaysannayso Ladiifa" oo ay tahay in amiiradda la sii daayo.
Dalka Imaaraadka ayaa hore u sheegay in ay gabadhaasi bedqabto oo ehelkoodu daryeelayo.
Ku baxsashadii doonta
Ladiifa oo haatan 35 jir ah, markii ay 16 jir aheyd ayay isku dayday inay baxsato, sanadkii 2011 waxay la xiriirtay ganacsade u dhashay Faransiiska oo la yiraahdo Herve Jaubert, waana qorshe muddo dheer socday. waxaana ka caawineysa arrintaas Ms Jauhiainen oo horraan u aheyd macalimad ka tirsan baarnaamijka tababarka ee capoeira ee laga leeyahay Brazil.
24-tii bishii Febraayo sanadkii 2018, Ladiifa iyo Ms Jauhiainen waxay dooni u qaateen biyaha caalamiga ah, waxaana halkaas ku sugayay Mr Jaubert oo saarnaa dooni uu ka babanayay calanka Mareykanka.
Siddeed maalmood ka dib waxay ka baxeen xeebaha Hindiya, waxaana doontii soo koray ciidamada koomaadooska, Ms Jauhiainen waxay sheegtay in qori ay ku qabteen ciidamada.
Latifa waxaa dib loogu soo celiyay Dubai, tan iyo xilliggaas wax war ah lagama heynin.
Ms Jauhiainen iyo shaqaalihii saarnaa doonta ayaa lasoo daayay labo toddobaad oo ay ku xirnaayeen Dubai.
Dowladda Hindiya weligeed kama aysan hadlin kaalinta ay ku laheyd arrintaas.