Maxay tahay sababta loogu magacaabay ninkaan Libaaxa da'da ah?

Khaan

Xigashada Sawirka, MASSOUD HOSSAINI/AFP VIA GETTY IMAGES

Maxamed Ismaaciil Khaan, wuxuu magaciisu astaan u noqday goobaha dagaalka Afghanistaan xili uu sii xoogaysanayo dagaalka ka socda gobalka Herat,ee dalkaas.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay khaan,wuxuu qaatay hubka wuxuuna qaaday tallaabooyin milatari oo ka dhan ah Ururka Daalibaan.

Sidaas darteed, wakaalado badan oo warbaahineed oo ka howlgala gudaha Afgaanistaan ayaa ku ammaanay Khaan iyo dagaalyahannadiisa badbaadinta magaalada Herat.

Wargeyska garaka loo leeyahya ee Armaan-e-Meli ayaa boggiisa hore ku daabacay "Haddii Amiir Ismaaciil Khaan iyo kuwa ka amar qaadanaya aysan daacad u ahayn, gobalka Herat wuxuu ku jiri lahaa gacanta Taliban.

Geesinimada Ismaaciil Khaan iyo xooggagiisa dadweynaha jawaabtii degdeg ahayd ee ay bixiyeen waxay meesha ka saartay khatartii Daalibaan,iyagoo sidoo kale la kulmay khasaare culus.

Libaaxa da'da ah

Maxamed Ismaaciil Khaan, taageerayaashiisu hadda waxay u yaqaanaan Libaaxa da'da ah wuxuuna ka soo jeedaa qoomiyadda Tajik, oo ku abtirsata qoomiyadda Tajikistan , wuxuuna tagaeero xooggan ka haystaa xubno ka tirsan qoomiyada.

Wuxuu dhashay sanadkii 1946-kii isaga oo ku dhashay degmada Shindandoo ka tirsan gobalka Herat,wuxuuna muddo dheer xubin ka ahaa urur siyaasadeedka Jaamiaat-e-Islaami.

Sannadkii 1978 -kii, isagoo wuxuu ahaa kabtan ka tirsan ciidanka Afgaanistaan, wuxuuna qorsheeyey kacdoonkii ugu weynaa ee lagaga soo horjeedo dawladdii shuuciga ahayd ee Kabul, ka dib duullaankii Soofiyeeti ee Afqaanistaan, sanadkii 1979 -kiina, wuxuu noqday taliye.

Laga soo bilaabo 1980 -yadii ilaa bixitaankii ciidamadii Soofiyeeti, wuxuu gacanta ku hayey ciidan badan oo Mujaahidiin ah, inta badanna ku sugnaa galbeedka Afghanistan.

Xigashada Sawirka, AREF KARIMI/AFP VIA GETTY IMAGES

Markii ay u baxsadeen Iiraan

Khaan wuxuu ahaa guddoomiyihii Herat sannadihii 1992 -kii ilaa 1995-kii Kadib markii Daalibaan ay qabsadeen gobolka, waxaa lagu qasbay inay u cararaan Iraan.

Wax yar ka dib, waxaa maxaabiis ahaan u kaxaystay Daalibaan, balse sannadkii 2000 ayuu ku guulaystay inuu baxsado. Kadib wuxuu ku biiray Isbaheysigii Waqooyiga ee ka soo horjeeda Daalibaan.

Markii ciidamada Mareykanku ay dalka Afghanistaan duulaanka ku qaadeen sanadkii 2001, meeshana laga saaray awoodii Daalibaan mar kale ayuu noqday guddoomiyaha gobalka Herat.

Khaan taageerayaashiisu waxay ku ammaaneen horumarka ballaaran iyo gaarsiinta adeegyada dowladda dadweynaha mudadii uu xilka hayay. Dhanka kale dadka ka soo horjeeda ayaa ku dhaleecaya inuu ku guul daraystay wareejinta lacagtii ka soo xarootay kastamka dowladda dhexe.

Sanadkii 2005-tii , Khaan waxaa loo magacaabay wasiirka biyaha iyo tamarta dowladiii Xaamid Karazaay,xilikaas oo uu hayay tan iyo sanadkii 2013.

Sanadkii 2014-kii, Khaan iyo Cabdul Rab Rasool Sayyaf ayaa ku tartamayay doorashadii madaxtinimada balse waa laga adkaaday.

Xigashada Sawirka, AREF KARIMI/AFP VIA GETTY IMAGES

Hadalladii uu jeediyay

Khaan ayaa cambaareeyay doorka Pakistan ee Afgaanistaan sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan ka dib markii rabshadaha Daalibaan ay sii kordheen.

Telefishan maxalli ah oo gaar loo leeyahay ayaa baahiyay 4-tii bishaan Ogoosto isagoo leh "Waxaan rabaa inaan si cad ugu sheego dadka Afgaanistaan in dagaalkani uusan u dhexayn Daalibaan iyo dawladda Afgaanistaan, waa dagaalka Pakistan ee ka dhanka ah qaranka Afghanistan. Waxay u dhaqmaan u dhaqantaa sida calooshood u shaqeystayaal, "

Sidoo kale wuxuu sheegay mar uu la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha in Daalibaan aysan wax walba heli karin iyagoo kaashanaya dalal shisheeye.

Wuxuu sheegay in Afghanistaan loo dhanyahay ay imaan karto marka ay dadka reer Afghanistaan go'aansadaan arrintaa.

Dowladda ayuu ku dhaliilay in aysan tagaeero siinin ddaka la dagaalamaya Dalaibaan isla markaana aaney fulin balanqaadyadoodii ahaa qalab iyo tasiilaad kale.