Bangaladesh: Sida maska ugu halista badan uu usoo rogaal celiyay

Russell's Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Russell's Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh.

Qeybo kamid ah waqooy galbeed dalka Bangaladesh gaar ahaan deegaanno dhaca buuraha Padma waxaa dhibaata ku haya mas halis ah oo la yiraaahdo Russell's viper.

Maskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaniinay dad badan xilli uu cabsi ku reebay halkaas.

Russell's Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh.

Dadka uu qaniinay maskan waxaa lagu arkay dhiig bax joogto ah, xinjirowga dhiigga, nabarro dhanka isha ah, qeybo kamid ah jirkooda oo qallalay iyo kilyaha oo shaqadooda gabay.

Waxaa loo maleeyay in maskan uu ka ciribtirmay Bagaladesh sanado ka hor balse waxaa jiray caddeymo muujinaya in 10 ilaa 12 sano uu soo ifbaxayay maskan.

Waxaa Bangaladesh ka socdaa baaritaano la xiriira waxa maskan kusoo celiyay dalkaas.

Ahsan Mansoor oo bare ka ah qeybta xanaanada xoolaha ee jaamadacadda Chittagong ayaa cilmi baaris ku sameeyay soo ifbixidda maska Russell's Viper ee Bangaladesh iyo halista uu ku hayo banii'aadanka.

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka,

Maskan noocan waxaa lagu arkay deegmooyinka Rajshahi iyo Chapainawabganj.

Daraasadda waxaa lagu wareystay 20 qof oo uu qaniinay maska Russell's viper gudaha Bangaladesha intii u dhexeysay 2013 ilaa 2016, waxaana darasaadda lagu daabacay jornaal Asiatic Society ee kasoo baxa Bangaladesh.

Waxaana la ogaaday in maskan uu ku nool yahay 16 kamid ah degmooyinka Bangaladesh, sida ku xusan daraasadda maska wuxuu ku nool yahay waqooyiga iyo waqooy galbeed dalkaas.

Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in maskan uu ku nool yahay degmooyinka Rajshahi iyo Chapainawabganj.

Khuburrada waxay ka cabsi qabaan in maskan halista ah lagu arki qeybo kamid ah adduunka kale.

Sababaha uu maskan ugu soo batay Bangaladesh waxaa kamid ah dhulka beereedka badan ee ku baahayo halkaas, sida uu sheegay Farid Ahsan oo la hadlayay BBC qeybta la hadasha Bangladesh.

"Jiirka badan iyo dhul beereedka ballaaran- waana cuntada ugu badan uu ku tiirsan yahay maskan"

Xigashada Sawirka, NurPhoto

Qoraalka sawirka,

Maska cobra

Maskan wuxuu ku nool yahay dhulka dhirta leh iyo beeraha halkaas oo ay halis ugu jiraan dadka beeraleyda ah in uu waxyeello beeraleyda.

Marka uu roobka da'o, wuxuu maskan kusoo galaa Bangaladesh isaga oo soo raaco webiyada Hindiy, sida laga soo xigtay Ahsan.

"Ilaa iyo hadda inta badan maskan wuxuu ku nool yahay dhulka buuraleyda ah ee Padma halkaas oo ay ku yaallaan biyo fariisiin ah"

Wuxuu intaa ku daray in Shan kamid ah masaska Russell lagu arkay waqooy galbeedka dalkaas sanadkii 2014, waxaana la sii daayay 2015.

Si kastaba, Profasoor Ahsan wuxuu rumeysan yahay in tiradaas masaska ah aysan ka qeyb qaadan in maska noocan ah uu ku baaho Bangaladesh.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Halista qaniinyada maska

Halista maskan

Maskan wuxuu dhibaato ku hayo shacabka Hindiya in kasta oo kiisaska qaniinyadiisa aysan sidaa ugu badneyn Bangaladesh.

Maadama maskan uu ku nool yahay dhul beereedka, beeraleyda waxay ku joogsan karaan maskan xilliyada habeenkii sidaas ayuu dagaal ka bilaabaya maska Russell's Viper marka uu dareemo in lasoo weeraray.

Durbadiinba, qofka marka uu qaniino maska wuu miir daboolmaya, saacad kadib waxaa biyo gashanayaa qeybo kamid ah jirkiisa.

Haddii qofka uu wax dawo ah heli waayo wuxuu u horseeday xaalad caafimaad oo halis ah sida dhiig kar ama Kilyaha oo shaqeyn waayo.

Sida laga soo xigtay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka sanadkii 2016, ku dhawaad 5.4 malyan oo qof ayuu sanadka kasta maska ku qaniinaa guud ahaan dunida halka hal malyan oo qof sanad kasta uu dunida ku qaniino.