Siyaasi ku taliyay in Muslimiinta Faransiiska ay ku milmaan bulshada oo ay diintooda ka haraan!

Zemmour
Qoraalka sawirka,

Zemmour oo ay iska dhaleen waaliddiin Yahuud ah oo Algeria ka soo jeeda ayaa inta badan ay hadalladiisu muran dhaliyaan

Musharraxa madaxtinnimada midig-fog ee Faransiiska Eric Zemmour ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool Faransiiska ay ku milmaan bulshada dalkaas haddii ay doonayaan inay ku noolaadaan dalkaas.

Isagoo hoosta ka xarriiqay inuusan "kala saari doonin Islaamnimada iyo Islaamka" balse uu taas beddelkeed kala saari doono Islaamka iyo shakhsiyaadka Muslimiinta ah, Zemmour ayaa ku dooday in Muslimiinta Faransiiska looga baahan yahay inay ku milmaan bulshada ayna "faraha ka qaadaan" ku dhaqanka diinta isagoo sheegay inay taasi "meesha ka saari doonto ku dhaqanka diin leh mabaadii sharciyeed.".

Wareysi lagu baahiyay telefishinka TF1, ayaa Zemmour wuxuu wacad ku maray inuu noqon doono "madaxweynaha dhammaan dadka Faransiiska" oo ay ku jiraan Muslimiinta Faransiiska ah, haddii uu ku guuleysto doorashada dhacaysa bisha April 2022.

Zemmour ayaa sheegay hadallo aad loogu kala qeybsamay oo ka dhan ah Muslimiinta, Islaamka, muhaajiriinta, dadka madow, iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay.

Wuxsuu sidoo kale wajahayaa tallaabo sharci ah oo uu ku muteystay hadallo cunsuriyad ay ku dheehan tahay iyo nacayb diimeed, waxaana ka mid ah xukun sanadkii 2010 lagu riday kaddib markii uu sheegay in dadka ugu badan ee daroogada ka ganacsada ay yihiin "Madowga ama Carabta."

Bishii September 2019, waxaa lagu ganaaxay €3,000 ($3,500) kaddib markii uu hadal ka dhan ah Muslimiinta ka sheegay xilli uu telefishin ka soo muuqday.

Waa kuma Zemmour?

Xigashada Sawirka, EPA

Zemmour wuxuu ku dhashay magaalada Paris sanadkii 1958 waxaana dhalay waaliddiin Yahuud ah oo ka soo jeeda Algeria oo Faransiiska yimid xilligii Dagaalkii Gobannimo-doonka ee Algeria.

Ninkan oo 63 jir ah ayaa xirfaddiisa weriyennimo ka bilaabay warbaahinta Quotidien de Paris sanadkii 1994, isagoo ku biiray wargeyska garabka midig ee ee Le Figaro sanadkii 1996.

Waxaa laga cayriyay Le Figaro sanadkii 2009 sababo la xiriira hadalladiisa muranka dhaliyay, balse wuxuu bilaabay inuu maqaallo toddobaadle ah u qoro Wargeyska Le Figaro sanadkii 2013.

Zemmour ayaa qoray buugaag wuxuuna qeyb ka ahaa dhowr barnaamijyo telefishin tan iyo sanadihii 2000, taas oo siisay madal uu ku soo bandhigo fakradihiisa uuna taageero badan ugu hanto gudaha Faransiiska.

Hadalladiisa ku saleysan Islaamka iyo cambaareynta muhaajiriinta ayaa waxay ka dhigeen shakhsi caan ah, isagoo taageero ka helay dhinacyo badan, dhanka kalena dad bada oo Faransiiska ku nool gaar ahaan malaayiin Muslimiin ah ka dhigay kuwo go'doonsan.

Ra'yi-ururin la sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa muujineysa inuusan ku cad cadeyn doorashada, waxaa meesha ka sii baxeysay caannimadiisa.

Inta badan ra'yi ururinta ayaa waxay saadaalisay in Macron iyo Le Pen ay isku arki doonaan wareegga labaad ee doorashada dhici doonta bisha April, iyadoo ay u badan tahay in Macron uu soo laabto. Balse Zemmour ayaa muddo hoggaanka u hayay Le Pen, inkastoo ilaa iyo haatanba ay qoorta iskula jiraan marka la eego ra'yi-ururinnada qaar. Balse weli waqti badan ayaa ka dhiman doorashada April.