Sawirro: Israel oo agab taariikhi ah oo ay qabatay ku wareejisay Masar

Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
.
Israel ayaa ku wareejisay Masar in ka badan 95 xabbo oo ah agab taariikhi ah oo kootarabaan lagaga saarayey iyo kuwo iyaga oo lagu iibinayo Qudus la qabtay.
Waxay sheegtay in agabkaa la celintiisu tahay "codsi ka yimid Masar iyo in niyad wanaag loo muujinayo" waxaana geeyey Qaahira wasiirka arimaha dibadda Israel oo booqasho ku tagay dalkaas.
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
Agabkan waxa ka mid ah waxyaabo Masaaridii hore maydka la aasi jireen oo qayb ka mid ahaa dhaqanka aaska
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
.... kuwo kalena waxay muujinayaan boqoradihii Masar
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
.... waxa kale oo ka mid ahaa dhagax ay ku qorantahay fartii Hieroglyphic ee Faraacinadii hore
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
Agabkaa afar ka mid ah waxa laga helay shandad uu sitay nin Israeli ah oo ka ganacsada agabka qadiimka ah oo doonayey inuu kootarabaan ahaan dalka ku geliyo.
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
Wuxuu sheegay inuu London ka soo iibsaday
Xigashada Sawirka, Yuli Schwartz, Israel Antiquities Authority
inta kale waxa lagu qabtay dukaan lagu iibiyo agabka qadiimiga ah oo ku yaal Qudus. Masar waxay sheegtay in la xaday agabkaa
Xigashada Sawirka, Michal Ben-Ari
Agabkaa waxa si rasmi ah u wareejiyey wasiirka arimaha dibadda Israel Yair Lapid (qofka labaad dhanka bidix) oo gudoonsiiyey dhigiisa Masar Sameh Shoukry (qofka labaad dhanka midig)

In pictures: Egypt pharaoh's 'solar boat' moved to Giza museum
The Great Boat of King Khufu is more than 4,500 years old, and was found virtually intact in 1954.