Dad ku dhintay dagaal ku dhex maray xero qaxooti ururada Xamaas iyo Fatax ee Falastiiniyiinta

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay isku dhacyo ka dhacay xero ay ku jiraan qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taal koonfurta Lubnaan ka dib markii tacshiirad lagu furay dad ka qayb galayey aaska xubin ka tirsanayd ururka Xamaas.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay iska hor imaadkaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Al-Burj Al-Shimaali ee u dhaw magaalada Suur. Hase yeeshee waxay dad goob joog ahi sheegeen in ay tacshiiradda is weydaarsanayeen dabley kala taabacsan labada urur ee Xamaas iyo Fatax ee Falastiiniyiinta ah.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen, waxaanay sidoo kale wararku tibaaxayaan in ay dad badani dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo la yidhaa Rafat Al-Murra, ayaa sheegay in qaar ka tirsan ururka Fataxa ay rasaas ku fureen dadkii aasayey qof ku dhintay qarax dhacay habeenkii Jimicihii waxaanu intaa ku daray in lix qof ku dhaawacmeen shaqaaqadaas.

Qoraalka Codka,

Jiritaanka Xamaas maxay kusoo kordhisay qadiyadda Falastiin?

Qarax weyn ayaa ka dhacay xerada Burj al-Shamaali habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Xamaas waxay sheegtay in wareeg gaaban oo ku yaal bakhaar ay ku jiraan sahayda Ogsajiinta ee bukaannada Covid uu sababay qaraxa, waxayna beeniyeen wararka warbaahinta ee sheegaya in bakhaar hub ahi uu qarxay.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay dab ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo, kaasoo ku fiday keydka rasaasta Xamaas.

"Dabku wuxuu geystay khasaare hantiyeed, balse saameyntu way xaddidnayd," ayay Xamaas tiri, iyadoo aan faahfaahin laga bixin khasaaraha ka dhashay dabkan.

Sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay in nin u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax habeenimadii Jimcaha, waxaana sidoo kale qaraxa ka dhashay dhaawacyo.

Lubnaan waxay si rasmi ah u martigelisaa ilaa 192,000 oo Qaxooti falastiiniyiin ah, kuwaas oo intooda badan ku nool 12 xero oo ku yaal qaybo kala duwan oo dalka ah, sida ay sheegtay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Heshiis hore oo la isla qaatay, ciidanka Lubnaan ma galo xeryaha, isaga oo ka tagaya masuuliyadda ilaalinta nidaamka kooxaha Falastiiniyiinta.