Coronavirus: Muxuu yahay Coronavirus?

La wadaag qodobkan Email La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Whatsapp

Xanuunka coronavirus wuxuu soo ifbaxay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, xilligaasoo aad u dhow, laakiin durba dunida oo dhan ayuu ku faafay Fayraskan oo sababa cudurkan loo bixiyay Covid-19.

Cudurkan waa mid aan awood aad u weyn lahayn, haddana sidaasoo ay tahay dadka qaar ayaa u dhimanaya.

Dhowr bilood gudahood ayuu Coronavirus ku gaaray dhammaan qaaradaha adduunka,

Xanuunka oo dhibaatada ka dhalatay haatan si weyn dunida looga dareemayo ayaa seynisyahannada caalamka waxay sheegeen in ay adag tahay in wakhti dhaw la sameeyo daawo looga reysan karo, balse waxay khubaradaha ku taliyeen in daweynta ay marwalba ka wanaagsan tahay kahortagga iyo sidii dadka ay isaga ilaalin lahaayeen xanuunkaas.

Maxaan ka naqannaa caabuqan?

Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah bahda Fayraska ee loo yaqaanno coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani'aadanka.

Markii ugu horreysay wuxuu ka dillaacay magaalada Wuhan, oo ku taalla bartamaha gobolka Hubei ee dalka Shiinaha.

Image copyright Reuters
Image caption Shiinaha ayaa isbitaallo deg deg ah dhisay isla markii uu cudurkan dillaacayba

Wararka qaar waxay sheegeen in cudurkan oo ka abuurmay xayawaanka uu markii hore kasoo ifbaxay suuqa hilibka xayawaannada badda ee magaalada wuhan.

Khubarada waxay sheegeen in uu calaamado ahaan u dhoo yahay cudurka Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus.

Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.

Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.

Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.

Sidee uga hortagi kartaa xanuunka Corona?

Dad badan oo dunida ku nool waxay aad uga walaacsan yihiin xanuunkan, waxaana la sheegay in xanuunka u aad usoo rita dadka da'da ah iyo kuwa qaba xanuunada aadka u daran sida macaanka ama sonkorta, neefta iyo xanuunada ku dhaca wadnaha. Dadkaas ayaa la sheegay inay u nugul yihiin xanuunka Corona.

Haseyeeshee arrinta ugu wanaagsan ayaa ah in qofka uu iska ilaalin karo xanuunka, haddii uu sameeyo tallaabooyinka hoos ku xusan ee ay soo jeediyeen dhakhaatiirta, seynisyahanada iyo hey'adda caafimmaadka adduunka ee WHO.

Marwalba oo gacmaha la dhaqo

Image copyright Getty Images

Gacmaha oo marwalba lagu dhaqo saabuun iyo biyo nadiif ah waxay qofka ka caawineysa in aysan gacmihiisa ku harin wax jeermis ah ama caabuqa laga qaado xanuunka Corona.

Sidoo kale waxaa lagula talinayaa dadka in gacmaha marwalba la mariyo oo lagu dhaqo aalkolada jeermiska disha ee loogu talagalay in gacmaha la marsado.

In gacmaha lagu dhaqo saabuun, biyo iyo aalkoladaas waxay ka hortageysaa ama ay dileysaa cabuqa ama jeermiska gacmahaaga ku dahaaran.

Ka fogow dadka

Maadaama dadka qaba xanuunka Corona ay aad u qufacaan, waxaa muhiim ah in qofwalba oo qufacaya ama hindishoonaya aad ka fogaato hal mitir.

Arrintan ayay hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO sheegtay in marka qofka uu qufaco ama uu hindishooda ay jirkiisa haddii ay ahaan lahayd sanka ama afka ay kasoo baxaan dheecaan duulduul ah, kuwaas oo laga yaabo inay sitaan xanuunka.

Haddii aad ku dhaw dahay qofkaas, waxaa suurtagal ah in waxyaabahaas aad neefsato ama ay gudaha u galaan jirkaaga.

Ha taabanin sanka, afka iyo indhaha?

Image copyright WHO

Maxay tahay sababta? Haddii aad gacmaha ku taabato meel kamid ah jirkaaga, waxaa dhici karta inay sidaan xanuunka. Marwalba oo ad dooneyso in aad jirkaaga taabato waxaa muhiim ah inaad gacmaha dhaqato.

Gacmahaaga waxay si sahlan xanuunka ugu gudbin karaan sanka, indhaha iyo afka, waxayna taas keeni kartaa in caabuqa uu gudaha u galo jirkaaga, taas oo keeni karta in aad xanuunsanto ama uu kugu dhaco xanuunka.

Ilaalinta nadaafadda neef mareenka jirkaaga

Marwlaba waxaad hubisaa in adiga iyo dadka ka ag dhaw ay si sax ah u raacaan hannaanka saxda ah ee lagu xaqiijiyo nadaafadda neef mareenada.

Waxaa muhiim ah in qofka uu daboolo afka iyo sanka. Marwaba oo aad hindishotana waxaad ku dedaashaa in ad isticmaasho marin ama xaanshi nadiif ah, dibna ha u isticmaalin maradii ama xaanshidii aad hore u isticmashay.

Tani waxay adiga iyo dadka kale ee kugu ag hareereysan idiin ka caawineysaa in uusan xanuunka faafin oo aan la qaadsiinin dadka kale.

Sidoo kale haddii aad dareento in naqaska uu kugu dhagayo oo aad qufaceyso, xilli hore u tag dhakhaatiirta, si xaaladaadda loo ogado.

Maxaa ugu dambeeyay?

Coronavirus wuxuu ilaa hadda ku dhacay dad 200,000 oo qof.

Waxaa inta la xaqiijiyay u geeriyooday 7529 qof.

159 waddan ayuu gaaray Cudurkan.