Bandhiga caalamiga ee buugaagta oo Muqdisho ka furmay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhig buugaag oo caalami ah ayaa Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay bandhiga caalmiga ah ee buugaagta, waana sanadkii labaad ee la qabanayo bandhigaasi tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 kii.

Sanadkan waxaa la filayaa in qorayaal badan ay ku soo bandhigaan buugaag cusub, waxaana ka mid ah qoraaga Andrew Harding oo mudo dheer weriye BBC-da uga ahaa Afrika oo la filayo inuu soo bandhigo buugiisa cusub ee "The Mayor of Mogadishu" ama "Duqa Muqdisho"

Sidoo kale doodo iyo aqoon isweydaarsi ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta ayaa lagu soo bandhigi doonaa mudada seddexda maalin ah ee ay socoto carwadaassi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa waraystay madaxa carwada buugaagta ee Muqdisho, Maxamad Diini, wuxuuna weydiiyay in uu faahfaahiyo bandhiga sanadkan.