Waraysi: Waxbarashada Jaamacadaha Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Waxbarashada jaamacadaha Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirweyne ay ka qaybgalayaan wakiilo ka socda 52 jaamacadood oo wadanka ku yaala, kaas oo looga hadlayo tayada waxbarashada ee jaamacadaha Soomaaliya.

Shirkaas oo socon doona mudo sedex maalmood ah, ayaa khubarada iyo wakiilada ka qaybgalaya waxa ay si gaara u lafa guri doonaan manhajka, makatabadaha, iyo cilmi baarisyada looga baahan yahay inay jaamacadahaasi la yimaadan.

Shirkaasi waxa furay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdi Xaashi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayuu u waramay.

Mowduucyada la xiriira