Arday badan oo ka soo baxday jaamacadaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Arday badan oo ka soo baxay jaamacadaha

Jaamacadda Hargaysa kulliyadaheeda kala duwan waxaa ka qalin jebiyay sanadkan 2016 aradadii ugu badneyd oo ah ku dhowaad sagaal boqol oo arday, sida lagu cadeeyay xaflad aad u balaaran oo xarunta jaamicaadaasi lagu qabtay shalay axaddii.

Kumanaan kale oo arday ah ayaa ka qalin jebiyeen jaamcadaha Soomaaliya, oo xaflado loo qabanayay maalmihii u danbeeyay.

Wariyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige waxa uu ardeyda qalin jebisay qaarkood, waalidiinta iyo gudoomiyaha jaamicadda Hargeysa uu weydiiyay ardada faraha badan ee ka soo baxaya jaamicadaha iyo fursadaha shaqada yar ee jira.