Akhwaan Muslimiinta oo ku soo noqday doorashada Urdun

Woman walks past campaign poster in Amman (15/09/16) Lahaanshaha sawirka EPA

Doorashooyinka ka dhacaya Urdun (Jordan) Talaadada ayaa ku soo aaday soo noqodka Akhwaan Muslimiinta, oo ku yaraanaya meelaha kale ee Bariga Dhexe.

Garabka siyaasadda ee ururka Akhwaan Muslimiinta, ee Islamic Action Front (IAF), ayaa ku tartamaya doorashada baarlamaanka ee wddanka oo dhan.

Dhammaan bartamaha Cuman, oo ay jidka oo dhan ay ku dhagan yihiin sawirrada doorashooyinka, musharaxyadooda ayaa aad looga arkaa.

Meelaha dadka ay ku doodayaan magaalo madaxda, oo taageerada laga helo ayay ka helayaan taageerada ugu badan.

" Waxaan u malaynayaa tani waa soo noqosho wayn. Waxay noo suurto galisay inaan dib ugu noqono taageerayaasheena oo aan ugu gudbino siyaasadeena si cad oo la aqbali karo" ayay sheegtay musharaxa IAF, Dima Tahboub.

Markii hore IAF wuxuu ahaan jiray xisbiga mucaaradka ee Urdun, iyadoo uu taageeray Akhwaan Muslimiinta iyo barnaamijyada saboolka loogu talagalay.

Laakiin waxay ka baxeen labadii doorasho ee baarlamaan ee ugu danbeeyay, kadib doorasho lagu murmay 2007-dii.

Isbadal lagu sameeyay doorshooyinka, ayaa la sameeyay hab xisbiyada ay helayaan kuraas hadii ay ka helaan codad badan deegaanadooda, taas darteed IAF ayaa doonaysa inay ka qayb qaadato doorashada.

Dhabarjabka gobolka

Waqtiga adag, xisbiga ayaa aad ugu baahan inuu muujiyo muhiimadiisa, wuxuuna iska dhigayaa inuu yahay waddani iyo isbadal doon.

"Halkan Urdun waxaan leenahay tusaale looga qaybqaato siyaasada oo gooni ah" ayay sheegtay Ms Tahboub. "Dhaqdhaqaaq Islaam darteed waxaan ka mid nahay habka. Hadii aan ka harno tartanka doorashada waxaan ka mid nahay mucaaradka rasmiga".

Sanadkii 2011-ka, Akhwaan Muslimiinta ayaa qayb wayn ka qaatay kacdoonkii Tunisia, Masar, Libya iyo Suuriya.

Image caption Dima Tahboub ayaa ka mid ah dumarka musharaxa u ah Islamic Action Front

Taageerayaashooda Urdun ayaa ku biiray mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

Iyadoo ay ku baaqayaan isbadal si taxadar leh, ma aysan ka baxsan dhabarjab uga yimid gobolka markii Maxamed Morsi, oo ka tirsan Akhwaan Muslimiinta Masar laga riday xukunka.

Sanadkii hore, Akhwaan Muslimiintii asalka ahaa ee Urdun, oo jiray toddobaatan sano ka hor ayaa lagu dhawaaqay in la mamnuucay, xafiisyadoodiina waa la xiray, kadib markii dad ka baxay ay furteen urur cusub.

Laakiin, masuuliyiinta Urdun ayaa hadda rajaynaya in ka qayb qaadashada tartanka ee IAF ay kordhinayso dadka codaynaya iyo aqoonsiga.

"Dadka ayaa go'aan ka gaari doona inta qof ee matali doonta", ayuu sheegay wasiirka arrimaha siyaasadda iyo baarlamaanka, Musa Maaytah.

" laakiin ma walwalsani, dowladda ma walwalsana. Waan ku faraxsanahay qof walba inuu ka qayb qaadanayo doorashadan".

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dowladda Urdun ayaa xirxirtay Akhwaan Muslimiinta sanooyinkii ugu danbeeyay

Kooxo yaryar

Waxaa isbadal la sameeyay laga arkayaa xisbiga IAF waqtiga ololaha doorashada.

Iyadoo la sameeyay doorashada hab loo qoondeeyay kuraas dumarka iyo diimaha laga badan yahay, xisbiga ayaa ku daray liiska musharaxyadooda dad diinta kiristaanka haysta iyo dad u hadla.

Waxay la tartamayaan xisbiga cusub ee Zamzam, oo ka go'ay Akhwaan Muslimiinta, oo dhawaan sameeyay kulankoodii xisbiga ee waddanka oo dhan, oo sheegaya inay leeyihiin siyaasad gooni ah.

"Waan ka duwanahay kuwa kale. Waxaan raadinaynaa dowlad rayad ah, ma raadinayno dowlad Islaami ah", ayuu sheegay Kamal Awamleh, ku xigeenka madaxa xisbiga ZamZam goloheeda maamulka.

"Diinta Islaamka waxay noo tahay wax aan aaminsanahay, laakiin Islam ma aha siyaasad. Diinta waa fiican tahay, laakiin diinta wax kama qabanayso dhibaatooyinkeena nolol maalmeedka, sidii loo xalin lahaa dhibaatada dhaqaalaha iyo caafimaadka."

Shan sano kadib kacdoonkii carabta, siyaasadda ayaa isbadashay.

Mowduucyada la xiriira