Gudiga hirgalinta doorshooyinka oo ka hadlay qabashada lacagta musharaxiinta
Gudiga hirgalinta doorshooyinka oo ka hadlay qabashada lacagta musharaxiinta
Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa soo bandhigay koonto bangi oo loola dan leeyahay qabashada lacagaha is-diiwaan galinta musharaxiinta u tartamaya kuraasta labada aqal baarlamaan ee la dhisi doono todobaadyada soo socda.
Guddiga ayaa sheegay in lacagaha laga qaado musharaxiinta is-diiwangalisa ay qayb ka tahay miisaaniyadda loogu talagalay in doorashooyinka lagu qabto.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo waraystay afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federaal Maxamad Keynaan, ayaa marka hore weydiiyay bal in uu faahfaahiyo koontada bangiga ee ay fureen.