Iskuulka 15 May oo carabi loo badali doono
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Masar oo iskuulo furaysa

Eragadii ugu horeysay ee waxbarasho ee ka socota dawladda Masar mudo 25 sano kadib ayaa tagtay magaalada Muqdisho, si ay dib ugu soo nooleeyaan iskuuladii Masaarida ee ka furnaan jiray waddanka wixii ka horeeyay 1991kii markaasoo ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ergadan ayaa wajiga koowaad ku hawlgali doona labada iskuul ee Sheikh Xasan Barsame iyo 15 May oo ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay.

Ergada ayaa sheegtay in iskuuladan ay lacag la'aan wax ku bari doonaan ardayda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qayb galay shir jaraa'id oo arrintaasi looga hadlayay ayaa warbixinta ka soo diray.