Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub
Iftiinka dayaxa wuxuu dhaliyaa ashqaraarka dunida ugu weyn. Nooleyaal cajiib ah ayaa badda gunteeda ka soo baxa, marka ay ku dhacaan mowjaduhuna waxay bixiyaan midab buluug ah. Waa aragti la arki karo marka uu gabbalku dhaco oo kaliya.
1. Iftiinka ay sameeyaan noolaha badda ku jira oo muuqaal qurxoon u yeela badda.
Lahaanshaha sawirkaNaturepl.com/Doug PerrineImage caption
Noolaha Dinoflagellates wuxuu bixiyaa iftiin buluug ah marka la taabto, badduna way iftiintaa sida gacan biyoodkan ku yaalla Maldives.
2. Noole iftiima marka uu mugdiga jiro.
Lahaanshaha sawirkaNaturepl.com/Martin DohrnImage caption
Noolahan waa kan sameeya iftiinka ugu badan ee lagu badda dusheeda habeenkii.