Sababta Looga Warbixinayo Dastuurka Qabyada

Waxaa jira sababo dhowr ah oo wanaagsan oo looga war bixinayo Dastuurka Qabyada ah ee Laga Wada Tashanayo iyo Hannaanka Samaynta Dastuurka sida:

- In Waddan dastuur cusub loo sameeyo waa dhacdo weyn oo war laga heli karo.

-Waa marxaladdii ugu dambeysay ee hannaankii nabada ee dheeraa ee soo bilowday sanadkii 2002 kaasoo si tilaabo ku meel gaar ahaan ah loogu hirgeliyay Dowlada Federalka Kumeel gaarka ah (DFK).

-Dastuurka Qabyada ah ee Laga Wada Tashanayo wuxuu noqon karaa bar kulmiska inta dadku ku kulmaan ay nabad keeni karaan ( waxaa jira falal horay u dhacay oo la tix raacayo kuwaasoo dastuuro ama heshiisyo kale oo xagga maamulka kusaabsan ay keeneen nabad waarta kadib carqalado muddo dheer socday)

-Waxaa jira hannaan la tashi dadweyne kaasoo ah markii ugu horeysay oo dadka Soomaaliyeed weligood la weydiiyo wax kusaabsan dastuur kaasoo gaar ahaantiisa noqda akhbaar xiise leh oo in la baahiyo mudan, marka loo eegana Qodobka 174 ee Dastuurka Qabyada ah ee Laga Wada Tashanayo, afti ayaa la qorsheeyay.

Dastuurka Qabyada ah ee Laga wada Tashanayo iyo dastuurka la damacsan yahay inuu kayimaado waxay yihiin dhamaadkii hannaan nabadeed kaasoo ka dhashay Xeerkii la Qoray ee Federaalka Kumeel gaarka ee sanadkii 2004, iyo wada hadaladii nabada ee mudada dheer qaatay ee intaa ka hor la qabtay. Wuxuu ahaa hannaan uu ku jiray ballan qaad qaran iyo mid caalami ah.

1990-kii waddanka Mozambique wuxuu qabatimay dastuur cusub kaasoo keenay siyaasadaha axsaabta faraha badan, wuxuuna qeyb ka ahaa hannaankii nabadeed ee lagu soo af jaray dagaal sokeeye oo wadankaas ka socday laga soo bilaabo sanadkii 1977. Dagaalku wuxuu ugu dambayntii dhamaaday 1992.

-Waddanka Ingiriiska, Heshiiskii Jimcaha Wanaagsan ama Good Friday -ga ee 1988 kaasoo ku dhaqan galay isbedel dastuuri ah, wuxuu ugu dambayntii keenay awood qeybsi iyo inuu dhamaado khilaaf muddo dheer u dhexeeyay shacabka Waqooyiga Ireland, kaasoo u muuqday inuusan weligii dhamaanayn.

-Wadanka Koofur Afrika, dastuurkii 1997 waxaa lagu ammaanay inuu wax ka taray abuurmida marxalad kala guur ah oo nabad ku dheehan oo inta laga soo tagay sebenkii nidaamkii midab kala sooca loo soo guuray mid dimoqraadi ah. Labo waxyaabood oo aasaas ah oo dastuurkaas ku jiray ayaa waxaa si baahsan loo aaminsan yahay in ay si gaar ahaan ah wax uga tareen arinkan. Midka kowaad waa damaanad qaadidda dastuurku u damaanad qaaday dadka xuquuq mujtamac iyo dhaqaale ( Sida Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya uu sidoo kale Soomaalida u damaanad qaadayo), kan labaadna waa dhisidda Guddiga Runta iyo Dib-uheshiisiinta kaasoo soo baaray dambiyo la galay xilligii uu jiray nidaamkii midab kala sooca. ( Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya kuma jiro wax bixin loogu tala galay hannaanka dib-u heshiisiin ee kaas oo kale ah).