Raila oo asaasay xarun waxbarasho

Kenya PM Lahaanshaha sawirka
Image caption Raila Odinga

Raisal wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa daaha ka rogay xarun deeq waxbarasho loogu fidinayo ardeyda aanan heli kerin kharashaadka ku baxa waxbarashada.

Xarunta waxa ka faa'ideysan doona 300 oo ardey oo ka soo jeeda waddmada ku bohoobay bulsha weynta bariga africa.

Deeqda waxbarasho ee bilaashka ah waxa ka faa'ideysan doona ardey ka soo jeeda waddamada Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwaanda iyo Dowladda koonfurta Sudan.

Lixda waddan ayaa waddankiiba waxa uu xaq u yeelanyaa in uu soo diro ugu yaraan 50 ardey oo wax ka barta xaruntan . Xaruntan waxa si rasmi ah daaha uga rogay Raila Odinga waxaana loo bixiyey Xarunta Raila Odinga

Waxay sidoo kale gacan ka geysan doontaa horumarinta dhaqanka iyo is-dhaxgalka waddamada ka faa'ideysan doona sida ay sheegtay agaasimaha barnaamijkaas Jamila Ellison..

" Waxeynu la kaashan doonaa ururada si aan u horumarino barnaamijo gacan ka geysta ku daysha wanaaga waxaana khibrad ka kororsan doonaa dadka ku takahsusa wax soo saarka, gannacsiga iyo xifadaha kale"

Xaruntan waxay sidoo kale gacan ka geysan doonataa waxbarashada ardeyda yar ee waxbarashada bilaabaya, laga bilaaabo dugsiga hoose ilaa kan sare ayaana la asaasi doonaa . Ardeyda waxbarashada ka habsaamay ama isaga tagay iyaguna waxay u furi doontaa barnaamijo u sahli doona in ay dib u bilawdaan waxbarashadooda.

Mr Odinga waxa uu sheegay in uu ku taaganyahay waddadii uu hayey aabihii oo dalka Kenya ka ahaa siyaasi rog cadaa ah iyo asaasihii siyaasada xisbiyada badan

"Aabahay waxa gacan gacan siiyey ardey badan si ay waxbarasho u helaan waqtigii uu siyaasada ku jiray" waxa uu intaasi raaciyey in yoolkiisu yahay in caruurta ku dhasha xaafadaha isku raranka ah ay helaan waxbarasho..

Raila Odinga waxa uu sheegay in xaruntan ay iskaashi la sameyn doonto shirkada CISCO, oo ah shirkad soo saarta barnaamijada lagu isticmaalo kombuyuutarada..

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan