Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xeerarka waddooyinka ee Muqdisho

Boliiska taraafikada ee magaalada Muqdisho ayaa la halgamaya sidii ay ula tacaali lahaayeen dhigashada gawaarida goobaha aan sharciga ahayn, iyo xawaarraha sare ee gaadiidku ku socdo gaar ahaan wadooyinka ay dib u dhiseen hay'adaha Turkiga.

Sidoo kale waxay hubinayaan in darawaladu u hogaansamaan leyrarka kala haga gaadiidka.

Taraafikada ayaa inta badan waxa ay cabasho ka muujiyaan gaadiidka ciidamada oo xawaare sare ku mara wadooyinka taasoo dhalisa shilal badan.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.