Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bishaaro iyo gurmadka xaalada deg dega

Xaaladda gurmadka degdega ah ee deegaanka Wajir ee gobolka Woqooyi Bari Kenya, ayaa dadweynaha ku nool ay inta badan la kulmaan dhibaatooyin dhanka gacansiinta xaaladaha degdega ah.

Waxaase magaaladaasi caan ka ah gabar mudda sanad ah ka shaqeynaysay waaxda adeegga degdega ah, gabadhan oo lagu magacaabo Bishaaro Faarax, waxa ay waddaa gaari ambalaas ah, oo gacan ka gaysta caawinta xaaladaha adag ee caafimaad ee Wajeer.

Haddaba xaaladaha ay gabadhaasi ku shaqeyso iyo sida ay dadka Wajir uga faa'iidaystaan adeegyada ay fuliso waxaa warbixintan inooga diyaariyay, Cabdinuur Macalim Aadan, oo ka tirsan BBCda Laanta Afka Sawaaxiliga.