Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi cudurka Kansarka

Ayada oo maanta caalamka laga xusayo maalinta kansarka, ayaa dhakhaatiirta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in tirada dadka uu cudurkaasi ku dhacayo ay aad sare ugu kacday.

Halku dhiga sanadkan ayaa ah in qof waliba uu gacan ka geysan karo la dagaalanka cudurkaasi.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay ururka bulshada kansarka Soomaaliyeed, kaasoo la sheegay inuu la soconayo xaaladda cudurka ee gudaha Soomaaliya.

Dr Deeqa Aadan Maxamed Waqaf waxa ay ka mid tahay asaasayaasha ururkaasi, khadka telefoonka ayay ugu warrantay weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan.