Jaamacada Reading oo Malaysia laga furay

Image caption Xarunta Jaamacada Reading ee Malaysia ayaa jaamacadaha kale ee UK la wadaagaysa dhismaha.

Jaamacada Reading ayaa noqotay jaamacada ugu danbaysay ee UK ee ku dhawaaqda inay xarun ka samaysato Malaysia.

Waxay albaabka u furtay xarumo jaamacadeed, oo leh dhismayaal casri ah iyo laabab shaybaar iyo jardiinooyinka lagu nasto.

Waxay ku yaalaan xarun waxbarasho ee EduCity oo ku yaala gacanka Iskandar ee Malaysia.

Image caption Tirada ardayda ee Jaamacada Raeding ayaa la filayaa inay kororto.

Jaamacada Reading ayaa ku maalgalisay £13 milyan mashruuca ilaa hadda, waxayna doonaysaa in ardayda oo ah 200 ay noqdaan 3,000 shanta sano ee soo socota.

Maalgashiga ayaa ka mid ah istaraatijiyad caalami ah oo looga jawaabayo baahi loo qabo waxbarasho sare qaarada Asia iyo Koonfur Bari Asia iyo in saldhig ka dhigtaan suuqaan muhiimka ah.

Image caption Lacagta lagu dhigto Jaamacada Reading ayaa raqiis noqonaysa markay ku taalo Malaysia.

Professor Tony Downes, oo madax ka ah Jaamacada Reading ee Malaysia, ayaa sheegay "waxaan samaynay go'aan 2006 iyo 2007-dii in hadii aan rabno inaan noqono jaamacad caalami, inaan ardayda aysan dibadda uga iman UK oo kaliya". Marka waxaan samaynay istaraatijiyad lagu samaynayo xarumo dibada ah.

Jaamacada Reading ayaa eegtay inay xarun ka samaysato Hindiya iyo Shiinaha, laakiin Malaysia ayay go'aan ku gaartay inay xarun ka samaysato.

Malaysia ayaa doonaysa inay mustaqbalka noqoto xarun waxbarasho oo caalami ah oo dibadda looga yimaado.