Qaza: Shineemadii ugu horaysay 20 sano

Lahaanshaha sawirka

Shineemada Qaza ayaa dad badan ay tahay markii ugu horaysay labaatan sano ee ay filin ka daawadaan kadib markii ay ku burbureen dagaalka.

Waxay ahayd markuu jiray 24 sano in Homam al- Ghussein uu markii ugu horaysay aaday Shineemo, kama baaqan karo filin kale.

Maxay ugu qaadatay waqti dheer inuu shineemo aado? Wuxuu degan yahay Qaza, halkaasoo shineemooyinkii ay burbureen labaatan sano ka hor dagaal darteed.

Dadka degan Qaza, iyadoo ay adag tahay inay ka baxaan magaalada ayaa dad badan aysan aadi karin shinoomooyin ku yaala meelo kale.

Laakiin hadda waqtiga ayaa is badalay. Shinoomooyinkii ayaa soo noqday, kadib markii mashruucyo gaar loo leeyahay la bilaabay.

La yaab ma laha in dad badan ay soo dhaweeyeen oo uu ka mid yahay Homam.

"Waxay ahayd wax la yaab leh" ayuu dhahay Homam, oo ah injineer guryaha. "Mar walba waan aadayaa filin walba, wuxuu ahaadaba."

Ma jiraan dhismayaal shineemooyin oo lagu daawado filimaanta magaalada Qaza, filimaanta ayaa lagu daawadaa dhismo ay leedahay Red Crescent Society oo la kireeyay.