Maxay dhalinyarada Carabtu naf uga raadiyaan kaniiniga Viagra?

Masar ayaa kamid ah dalka sida weyn looga isticmaalo dawooyinka kordhiyo hamada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Masar ayaa kamid ah dalka sida weyn looga isticmaalo dawooyinka kordhiyo hamada

Dukaankiisa lagu iibiyo dawooyinka ee ku yaal xaafadda taariikhiga ah ee Bab al-Shaaria ee ku taal bartmaha Qaahira, Rabiic Al-Xabashi oo ah nin ku takhasusay dawo-dhireedka ayaa soo bandhigaya waxa uu ku tilmaamay "Dawo dhireedka cajaa’ibka ah".

 

Rabiic Al-Xabashi waxa uu caan ku noqday iibinta dawooyika iyo waxyaabaha kordhiyo hamada, wuxuu ka howlgalaa caasimadda Masar. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay wuxuu arkay in isbaddal uu ku yimid waxyaabaha ay sida gaarka ah u doonayaan macaamiishiisa.

 

"Ragga intooda badan hadda waxay raadiyaan kiniinnada buluugga ah oo ay ka helaan shirkadaha reer galbeedka," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay daraasado dhowr ah oo la sameeyay, waxaa lagu ogaaday in dhalinta carabta ay intooda badan isticmaalaan dawooyinka sida sildenafil ee loo yaqaano Viagra iyo kaniiniyada kale ee kala ah vardenafil (Levitra, Staxyn) iyo tadalafil (Cialis).

 

Inkasta oo caddeyn la hayo, arrinta la yaabka ah ayaa in inta badan dhalinyarada carabta oo ay BBC-da kula hadashay waddooyinka Masar iyo Baxreyn ay beeniyeen inay adeegsadaan dawooyinka kordhiyo hamada.

Dhalinyarada qaarkood waxay xitaa diideen inay ka hadlaan arrintaas, waxay sheegeen in isticmaalka dawooyinkaas ay kasoo horjeedo dhaqanka bulshada.

 

Marka la eego daraasad la sameeyay sanadkii 2012-kii, Masar ayaa noqotay dalka labaad ee ka tirsan dunida carabta ee sida aadka ah loogu isticmaal badan yahay dawooyinka kordhiyo hamada, Sucuudiga ayaa noqday xilliggaas dalka ugu horreeya ee laga isticmaalo dawooyinka sare u qaada shahwada ragga.

 

Wargeyska Al Riyadh ee kasoo baxo Sucuudiga isla markaana daabacay warbixintan ayaa ku qiyaasay in Sucuudiga sanadkiiba uu dawooyinka sare u qaada hamada uu ku bixiyo lacag gaareyso $1.5 bilyan oo doolar, waxay ka dhigan tahay in Sucuudiga uu 10 jeer ka isticmaal badan yahay dawooyinkan dalka Ruushka oo ay bulshadiisa 5 jeer ka badan yihiin kuwa Sucuudiga.

 

Daraasad dhawaan la sameeyay oo lagu daabacay jariiradda kasoo baxda carabta ee lagu magacaabo Journal of Urology, waxay muujineysaa in boqolkiiba 40 dhalinyarada Sucuudiga ee ragga ah ee ka qeyb qaatay daraasadda ay adeegsadaan kaniini u eg midka Viagra.

 

Masar weli kaalinta hore ayay kaga jirta daraasaddan, marka la eego sahanka laga sameeyay guud ahaan gobolka laga soo bilaabo sanadkii 2021-ka, dawooyinka kordhiya hamada waxaa ku baxay $127 malyan oo doolar sanadkiiba.

Cadaadiska saaran ragga

 Sannadkii 2014-kii, dawada ka hortagga awood-darrada dhanka galmada oo lagu magacaabo Al-Fankoush ayaa ka soo muuqatay dukaamada raashinka ee Masar iyadoo qaab shukulaato ah loo iibinayo.

 

Al-Fankoush waxaa lagu iibinayay hal Pound oo Masar ah ama wax ka yar hal doolar  ($0.05).

Qoraalka sawirka,

Rabiic Al-Xabashi oo ku takhasusay dawo dhireedka ayaa sheegay in ragga ay raadinayaan dawooyinka xoojiyo awoodda ragganimada

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dadkii soo saaray dawada kaddib markii warbaahinta gudaha ay sheegtay in laga iibiyay carruur.

Isticmaalka dawooyinka ka hortagga awood-darrada dhanka galmada ayaa la og yahay inay aad ugu badan yihiin ragga da’ ah marka looga eego da’ yarta. Si kastaba ha ahaatee, dalka Yemen, xogta laga helay wasaaradda caafimaadka ayaa muujinaysa in ay inta badan isticmaalaan ragga da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 45 jir.

Warbixinada maxaliga ah ayaa sheegaya in isticmaalka kaniiniga Viagra iyo Cialis ay si aad u isticmaalaan dhalinyarada Masar tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo dowladda sanadkii 2015-kii. 

Mohamed Sfaxi, oo ah borofisar u dhashay Tuniisiya kuna takhasusay cudurrada kaadi mareenka iyo qalliinka xubnaha taranka, ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in dawooyinka noocaan ah aysan ahayn kuwa "wax kiciya" isla markaana  lagu daweeyo xaaladaha inta badan "dhibaya dadka waayeelka ah".

Khuburrada ku takhasusay arrimaha galmada ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa sheegay in dhalinyarada carabta ay u jeesteen dhinaca isticmaalka dawooyinka shahwada kordhiya sababta oo ah dhaqamada jira awgood.

 

 Shereen El Feki, oo ah weriye u dhalatay Masar heysatana dhalashada Britain ayaa sheegtay, "Ku dhowaad dhammaan dadka ka qeybgalay daraasadda ee ragga ah waxay ka baqayeen mustaqbalka iyo sida ay u dabari lahaayeen nolosha qoysaskooda. Rag badan ayaa ka sheekeeyay culayska weyn ee raggu heysto"

"Waxay ka dhigan tahay in raggu uu cadaadis saaran yahay, awoodda galmada waxay ku xiran tahay dhaqanka raganimada, waxaa jiraa walaac badan oo ku saabsan dhanka sariirta"

Fikradaha taariikhiga ah

Iyadoo carsigan dunida carabta laga adeegsado dawooyinka xoojiya hamada, sida ku xusan taariikhda carabta iyo dhaqamadii hore waxay adeegsan jireen dawo dhireed qaabilsan sare u qaadidda shahwada.

Ibn Qayyim al-Jawziyya, oo ahaa caalim iyo qoraa Islaami ah qarnigii 14-aad, waxa uu ku daray buuggiisa taxanaha ah ee uu kaga hadlayo dawo dhireedka gaar ahaan kuwa sare u qaado shahwada ragga.

Shereen El Feki waxay soo jeedinaysaa in dhaqanka Carabta iyo dhaxalka Islaamka "haweenka loo arko taariikh ahaan inay aad uga awood badan ragga ", halka ragguna ay dareemayaan baahida loo qabo inay "xoojiyaan awooddooda ragganimo".