Iibsashada Sakho oo la joojiyay ka dib markii uu sheegay inuu dhabarka xanuunayo

Xigashada Sawirka, Rex Features
Diafra Sakho waxaa uu dalka Senegal u saftayafar ciyaarood oo caalami ah
Tallaabo kooxda West Brom ay ku doonaysay inay £15m kooxda West Ham uga soo iibsato weeraryahanka Diafra Sakho ayaa laga noqday sababtoo ah laacibkaas oo dhabarka xanuun ka hayo awgeed.
Ciyaartoygan oo u dhashay dalka Senegal ma uusan marin baaritaan caafimaad laakiin waxaa la ogaaday inuusan diyaar u noqon karin xilli-ciyaareedkan hadda bilaabanaya.
Sakho, 26, jir ah waxaa uu dhaliyay 15 gool ciyaaraha horyaalka 44 kulan oo uu u saftay kooxda West Ham, walow dhowr jeer dhaawacyo gaareen.