Madaxweynaha Zambia ayaa ku guulaystay doorasho mar labaad iyadoo mucaaradka ay dood ka keeneen

Edgar Lungu iyo taageerayaashiisa Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu ayaa ku guulaystay tiro aad isugu dhow

Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa ku guulaystay doorasho labaad iyadoo mucaaradka ay ku eedeynayaan musuqmaasuq.

Gudiga doorashada ayaa sheegay inuu helay in ka badan konton boqolkiiba doorashada Khamiista, isagoo ka guulaystay Hakainde Hichilema, oo ku guulaystay ku dhawaad 48 boqolkiiba.

Afhayeenka mucaaradka ayaa ku eedeeyay gudiga doorashada inay la jiraan Mr Lungu iyagoo sheegay inay maxkamada dastuurka ay gayn doonaan dacwad.

Mucaaradka ayaa ka cawday daah iyo isdabamarin markii ay socotay tirinta.

Kormeerayaasha ajnabiga ayaa sheegay in codbixinta ay si nabad ah u dhacday, laakiin warfaafinta ay la jirtay dowladda.