Raheem Sterling oo badin kale ka caawiyay Man City

Raheem Sterling Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Raheem Sterling

Kooxda Manchester City ayaa sii wada badintii ay ku bilowday xilli ciyaareedkan ee 100% ahaa, kaddib markii ay ka adkaatay West Ham taas oo u suurtagalisay in ay kaalinta koobaad ka galaan shaxda kala saraynta ee horyaalka Ingiriiska.

City ayaa goolka koobaad dhalisay markii uu si wanaagsan u dhamaystiray Raheem Sterling kubad ay kooxdu si heersare ah u soo qaabaysay, goosha labaadna waxaa khalad diilinta korkeeda lagu galay gool u badalay Bruyne.

West Ham oo aan is dhiganin ayaa gool la timid qaybtii labaad ee ciyaarta kaddib markii Michail Antonio uu dhaliyay gool uu soo salaxay Arthur Masuaku.

Sterling ayaase gooshiisii labaad dhaliyay ammin dambe kaddib markii uu qaaday weerar ciriiri ahaa oo gees ah.

Xilli ciyaareedka ayaa bilow ah laakiin kooxaha ku loolamaya koobka ayaa tabartooda soo bandhigay saddexdii kulan ee u horeeyay.

Chelsea iyo Manchester United ayaa ah labada kooxood ee kaliya ee iyana guulo ka soo hoyiyay kulamadii ay dheeleen tan iyo markii uu furmay horyaalka sanadkan.