Booliiska oo baaraya suurtagalnimada in masjid ku yaalla Falorida si ula kac ah loo gubay

Lahaanshaha sawirka ST LUCIE COUNTY SHERIFF
Image caption Cidina kuma dhaawacmin masaajidka

Masuuliyiinta gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa baaritaan ku samaynaya suurtagalnimada in si ula kac ah dab loo qabadsiiyay masaajid uu ku tukan jiray ninka lagu eedeeyay in uu goob lagu caweeyo oo ku taalla Orlando dad ku laayay bishii June.

Saraakiisha Booliiska gobolka Florida ayaa sheegay in muuqaal ay duubtay kaameerada ammaanka lagu arkay qof masaajidka ku agwareegaysanaya subaxnimmadii hore ee Isniinta.

Cumar Mateen ayaa rasaas ku furay goobta caweyska ee Pulse 12-kii bishii June, wuxuuna halkaasi ku dilay 49 qof in ka badan 50 kalena ku dhaawacay.

Toogashadaasi waxaa lagu tilmaamay inay ahayd tii ugu dhimashada badanyd taariikhda Maraykanka.

Ma jirto cid wax ku noqotay gubitaanka masjidkaasi.