Koobka EFL ee Ingiriiska ee caawa oo xiiso leh

Lahaanshaha sawirka Rex Features
Image caption Lucas Perez

Arsenal oo leh 20 dhibcood Premier-shibka oo ay tiradaa ay la wadaagaan Manchester City iyo Liverpool, ayaa caawa la ciyaareysa kooda Reading oo loo arko in ay si fudud ay uga badin karaan.

Ciyaarta culus ee indhaha lagu hayaa waa mida caawa dhex mareysa Liverpool iyo Tottenham. Labada kooxoodba waxa ay ku jiraan qeybaha kore ee Premier-shibka England.

Bristol City waxa ay la ciyaareysaa kooxda Hull City. Leeds United oo mar aad caan u ahaan jirtey, waxa ay ku beegan tahey Norwich City oo dhawaan ka degtey Premier-shibka.

Newcastle-na waxaa ku beegan Preston. Ciyaarta kale ee EFL ee aad loo xiiseynayo waa mida dhaceysa Arbacada ee dhex mareysa Manchester United iyo Manchester City.

Chelsea ayaa Axaddii kaga badisey 4 iyo 0 Manchester United.

Mowduucyada la xiriira