Koobka Jen. Daa'uud oo gabagabo maraya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Koobka Jen. Daa'uud oo gabagabo maraya

Tartanka Kubadda Cagta ee Janaraal Daauud ee Muqdisho ayaa soo gaaray heerka kama dambeysta ka dib markii ay kooxda Banaadir iska reebtay kooxda Heegan oo ay ku wada dheelayeen nus dhammaadka tartanka.

Cayaartaasi ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaana ay markii dambe labada kooxood ku kala baxeen gool ku laad loo dhigay, oo ay 4-3 ku badisay kooxda Banaadir.

Cayaarta kama dambaysta ah waxaa 30ka Oktoobar wada dheeli doona kooxaha Jeenyo iyo Banaadir.

Haddaba sida ay heerkan ku soo gaareen labadan kooxood waxaa warbixintan ku eegaya Maxamed Cumar Baakaay oo Muqdisho Jooga.