Abaalmarinta BBC ee Cayaaryahanka Afrika 2016

Image caption Ciyaaryahanka BBC-da Afrika ee 2016

Maalinta Sabtida, Shan ciyaartooy oo loo magacaabay Abaalmarinta BBC ee Ciyaaryahanka Afrika ee sanadka 2016, ayaa la soo bandhigayaa, loona codeynayaa.

Magacyada ciyaaryahannada waxaa BBC Somali looga dhawaaqi doonaa idaacadda sagaalka habeenimo.

Taageerayaasha cayaaraha ee Afrika waxay uga codeyn doonaan bogga BBC laga bilaabo 9-ka Afrikada bari.

Guddi ciyaaryahanno hore Afrikaan ah iyo khubaro kubadda cagta ah ayaa ka qaybgali doona barnaamij gaar ah oo la qabanayo Sabtida.

Waxaad sidoo kale fursad u heli doontaa in aad si toos ah u daawato muuqaalka xafladda looga dhawaaqayo BBC magacyada ciyaaryahannada bogga BBC Sport Facebook iyo Instagram.

Dadka isticmaala baraha bulshada waxay tartanka kula socon karaan hashtag #BBCAFOTY.