Jose Mourinho oo martiqaaday Sir Alex Ferguson

Mourinho Lahaanshaha sawirka Getty Images

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa daaha ka qaaday in dhawr jeer uu ku soo dhaweeyay goobta ay kooxdu ku tababarato Sir Alex Ferguson oo ah macallinkii hore ee kooxda, aarintaasina ay dhacday xilli ciyaareedkan.

Ferguson ayaa shaqada ka fariistay sanadkii 2013-kii isaga oo ah tababarihii ugu wanaagsanaa ee kooxda soo mara

74 jirkan ayaa intaas ka dib booqanin xarunta tabobarka kooxda ee Carrington.

Mourinho ayaa jariiradda United We Stand fanzine u sheegay in uusan Alex ku soo noqonin goobta tababarka balse uu isagu keenay si uu dadkiisa oola kulmo.

Wuxuu intaas ku daray in uu doonayay in ciyaartoydu ay arkaan ninkan magaca ku leh kooxda ayna labadoodu wakhti isla qaataan oo isla qadeeyaan, ayna labadooduba ku raaxaysteen arrintaas.

Manchester oo 115 milyan oo doolar ku soo iibsatay Paul Pogba

Mourinho oo meel qarsoodi ah ku daawaday ciyaartii West Ham

Mourinho ayaa sheegay in uu ixtiraamo taariikhda uuna ogyahay in Alex uu kooxda jecel yahay.

Mourinho ayaa noqonaya macallinkii saddexaad tan iyo intii uu xilkaas ka tagay tabobarahoodii wakhtiga dheer, waxaana shaqada laga eryay David Moyes iyo Louis van Gaal.

26 kii sano ee Alex uu kooxda tabobarayay wuxuu United u soo hoyiyay 13 koob oo horyaalka Ingiriiska ah, labo koob oo Horyaaalka Yurub ah, shan koob oo FA ah iyo afar koob oo League Cups ah.