Andy Carroll oo ka hadlay sidii burcad hubaysan ay u soo weerartay

Ciyaaryahankan afka hore uga dheela West Ham ayaa sheegay in toban gaari ku dhacay intii uu lafihiisa la baxsanayay Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ciyaaryahankan afka hore uga dheela West Ham ayaa sheegay in toban gaari ku dhacay intii uu lafihiisa la baxsanayay

Ciyaaryahanka afka hore uga dheela kooxda West Ham, Andy Carroll ayaa maxkamad u sheegay in nin hubaysan oo mooto wata uu isku dayay in uu ka qaato saacad 22,000 oo gini ah.

Ciyaaryahankan oo sagaal jeer u saftay qaranka England ayaa maxkamadda Basildon Crown Court u sheegay in uu ka soo laabtay xarrunta tababarka oo uu ku sii jeeday gurigiisa markii ay eryadeen labo nin oo mootooyin watay.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah labada nin uu soo ag istaagay isaga oo taagan wadada oo sugaya in uu cagaar noqdo nalka baabuurta kala haga.

Wuxuu intaas ku daray in ay dabo raaceen oo midkood uu wax ku soo fiiqay.

Jack O'Brien, oo 22 jir ah ayaa diiday in uu isku dayay in uu dhac u gaysto ciyaaryahanka 28 jirka ah taariikhdu markay ahayd 2 Nofeembar 2016kii.

Luan Lunt oo ku takhasusay baaritaannada ayaa maxkamadda u sheegay in dheecaanka hidde sidaha ee DNA-da loo yaqaanno ee laga helay koofiyad taalay goobtii ay arrintaasi ka dhacday iyo mid jaakadda mootada loo adeegsadaba in ay la mid noqdeen hide sidaha O'Brien's.

Wuxuu intaas ku daray in dheecaanka hida sidahu uu noqdo qofkale in ay tahay arrin aad naadir u ah.

Michael Edmonds, oo difaacayay O'Brien, ayaa sheegay in uusan wakhtigaas isagu wadin mootada.

Wuxuu sheegay eedaysanuhu uu mootadaas adeegsan jiray balse uusan wakhtigaas isagu wadin.

Dacwadda maxkamadda ayaa sii socon doonta.